|

Xukuumadda Oo Wafti Uu Ciilmooge Hoggaaminayo Uga Dhaaratay Inay Hargeysa Ka Soo Degaan

Hargeysa:09-Dec-2013 (SDN)-Dawladda Somaliland ayaa Maalintii Sabtidii La Soo Dhaafay Diidday Codsi Kaga Yimi Dhinaca Xukuumadda Federalka Somalia oo ay ku doonayeen inay Hargeysa Kaga Soo Degaan Wafti Balllaadhan oo Wasiiro iyo Xildhibaano Iskugu jira, Kuwaas Oo Doonayey inay ka qaybgalaan xuska Maalinta Qoomiyadaha Ethiopia.

ciilWaftigan ayaa la sheegay inuu Hoggaaminayey Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Cabdilaahi Ciilmooge Xirsi oo ay hore in badan somaliland Hadallo dhiif leh Hawada iskugu mariyeen.

Waftigan oo Doonayey inay ka soo degaan Garoonka Cigaal International Airport, ayaa la sheegay in codsigooda la laalay, waxana lagu wargeliyey inaanay arrintaasi sinaba ku suurto gelaynin.

Wafdiga wasiirka ayaa ku sii jeeday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya  halkaasoo  uu si rasmi ah uga furmay Xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya.

Wafdiga wasiirka ayaa ayaa markii dambe raadsaday xal ay ku tagaan Magaalada Jigjiga, waxana ay ku  qanceen diidmada kaga timi somalilad.

Dowladdaha  Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa hadda uu ka jiraa khilaaf ku saabsan dhinaca socdaalka, taasoo la xidhiidha markii QM ay ku wareejisay dowladda maamulka hawada Soomaaliya, arrintaas Soomaaliland ayaa qaadacday, waxana ay keentay in dhaleecayn iyo Hiiraan hawada in badan la isu mariyo.

Tallaabadan ay xukuumada somaliland qaadday ayaa ah mid ay soo dhaweynayaan shacabkeedu, waxana loo arkaa Geesinimo iyo karti dheeraad ah oo ay ku xaqiinayso rabitaanka umadda iyo wada jirkeedaba.

Source:Somalilandsune.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed