Dilka Taliyihii Sirdoonka Saraar Oo Aan Xal Laga Gaadhin Iyo Waan-waan Wali Deegaanadaas Laga Wado
Ceel-dhaab:09-Dec-2013(SDN)-Magaalada Ceel-dhaab ee Gobolka Saraar, ayaa waxa ka socda shirar waan-waan lagaga gaadhay Dilkii Lagula kacay Alla Ha u Naxariistii Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar Marxuum Axmed Caydiid oo arrintiisu in badan taagnayd.
Taliyaha oo ay muddo dheer ka hor magaalada Caynaba ku dileen koox Hubaysani ayaa keenay kala qoqobnaan ku timaadda Beelaha ku dhaqan deegaanada Caynaba iyo Oog, waxana ay taasi keentay in arrinta haatan xallinteeda culays gaar ah keena.
Deegaanka Ceel-dhaab oo u dhaw Magaalada Caynaba ayaa haatan shir ballaadhani ka socdaa, waxana halkaas iskugu yimi Cuqaal, salaadiin, waxgarad iyo Hormoodka deegaanadaas oo si weyn ugu hawllan sidii loo dhamayn lahaa arrinta dilkii Taliyaha oo laf Dhuun Gashay ku Noqotay maamulka halkaas ka jira, maadaama ay ku Guuldarraysteen inay Sharciga hor keenaan Gacan-ku-dhiiglayaashii dilkaas Geystay.
Shirkan ayaa haatan uun Bilaabmay, walina wax go’aamo ah lagama soo saarin, waxana laga raja qabaa inuu noqda mid isku soo dhaweeya Beelaha walaalaha ah ee arrintan ku kala irdhoobay, iyadoo xukuumadduna culays weyn saarayso sidii loo xaqiijin lahaa natiijo Togan oo halkaas laga keeno.
S.D.N