|

CAWAR XAREED WARKIISII MEE

Oo malaha ma waxay moodayaan in aynu ilownay mise way inagu dayayaan oo taagta tijaabo ayey ka tahey!.

Xassan Guure, mar u shalay la hadlayay wasiirka arrimaha gudaha wuxuu yidhi” Waar intaad iska dayso cadaymaha Xamar yaal Maad kuwan aan cadaynta u baahnayn ee daahir yaa shamas la wada ogyahay wax ka qabatid. Arrinka Mujaahidku ka hadlayey waa dhacdadii Hubaal ee ninkii falka gaystay dhawaan la sii daayay. Waxa nasiib daro ah in sagaal bilood ka dib aan cidna loo maxkamadayn.

Akhristow weerarkii qaawanaa ee lagula kacay Muj. M Kaahin, kii Xil. Qabile iyo kan Hubaal ee aynu hada ka hadalnay dhamaan waa dhacdooyin ku cusub carigan Somaliland, weerarkii Hubaalna ma ahayn kii u dambeeyay iyo kii u horeeyay toona. umana baahna aqoon sare iyo xeeladaha dambiyada lugu baadho toona in aad ogaato halka ay la xidhiidhaan. Arimuu way kala daranyiin oo qaar waa meel soke oo waxaynu odhan karnaa Dilkii Muj. M kaahin iyo kii Xil.Qabiile waaba dad iyagu isyaaqaney oo ama SNM ama wax kaleba haku kulmaane is yaqaana balse HUBAAL ninkii soo weeraray iyadoo waliba maamulkii layidhi ninkii labaad keena waaba yaabe ma Booliskii baa mise waa Dambi baadhayaal ayey tani tahey arin godob ah oo waligeed jireysa ninka weerarka soo qaadey Maamulka hubaal ismay arag wax isuguma iman Kheyr iyo Shar.

Bal hada dhugo qisadan la xidhiidha ‘Dhagar-qabehii Jidka Saameel’ Cawar Xareed waxa uu ahaa ninkii fuliyay dilkii Saameel ee lagu laayay dadka shicib ah. Wakhtigaa dilku dhacay waxa dalka haystay Daahir Riyaale. Baadhitaan qoto dheer oo maskaxi hageyso dabadeed waxa la ogaaday cida falka gashay (Cawar Xareed) iyo cidii ka dambaysayba. Maadaama dadka la laayay ay la hayb ahaayeen madaxwaynihii hore ee Daahir Riyaale waxa uu go’aansaday in u waddanka ka badbaadiyo iska hor imaadyo qabiilaysan waxanu isku dayay in uu dhinacyo kale uga wareego xalinteeda dilkakaa foosha xun.

Nasiib daro ama nasiib wanaag tay doontoba ha noqotee, doorashaa dhacday, cidii tuhunku saarnaa ayaa xukunkiina la wareegtay. Reerihii, qaraabadii iyo intii cadaalada rajo ka qabtay ayaa dardar galisay cadaadisna dawlada ku saartay in loo soo xidho eedaysanaha dadkoodii laayay.

Dawladii khasab ayay ku noqotay in ay Cawar Xareed gudaha dhigto maxkamadna la horkeeno. Xasuusnow dawladu dusha sare waa ka wada dowlad balse hoosta waa ka kala dowlad, waxaan uga socdaa xidhitaankii hore ee Cawar Xareed iyo maxkamad gayntii hore waxa waday askar iyo shaqaale hoose oo aan war ka hayn The Real Cawer Xareed iyo xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada.

Cawar Xareed mudadii u jeelka ku jiray ee aan maxkamada lagayn waxa uu isku dayay in uu xidhiidh la sameeyo saxiibadiisii waawaynaa ee imika wasiirada ah waxaanu u sheegay in uu xidhan yahay isaga oo markaa rumaysaa in aanay maqal. Cawar waxa uu kalsooni buuxda ku qabay in aanu habeen sii xidhnaan doonin hadii ay madaxtooyada iyo wasiiradu ogaadaan xadhigiisa. Cawar Xareed fajiciso iyo af kala qaad ayay ku noqotay in maxkamad la hor keeno waxanu markaa garowsaday in la soo isticmaalay imikana la rabo in kaligii lagu mooso fal-dambiyeedyadii isaga iyo dawladu wada fulin jireen. Cawar sida uu dambiilaha u yahay nacas uma ahayn.

Waxa u raadad ka reebi jiray qorshayaashiisa, waxa u qori jiray kulamada uu la sameeyo raga u sareeya ee Kulmiye, waxa uu rasiidho ka reeban jiray lacagaha loo soo dhiibo, waxa u markhaati u yeeli jiray wixii ay is yidhaahdaan hadba masuulka ay kulmaan iyo shaqada loo diraa sida ay tahay. Cawar Xareed waxa u qirtay dambiyadii lagu soo oogay, waxaana u dibada soo dhigay cadaymihii iyo sirihii u hayay ee la xidhiidhaY dambigaas. Waxa u sheegay in u boqol kun oo doolar($100,000) uu nin imika wasiir ahi u keenay si nimankaa loo laayo. Markana dowladii ayay fajiciso ku noqotay in Cawar noqon karo middi labada dhanba waxa u goyn karta waxaana la go’aamiyay in ay maxkamadu xidhan tahay.

Mudo ayaa ka soo wareegtay ayaantaa maxkamadu dhacday, dibna looguma soo celin maxkamadii. Waxa nagu maqaala ah in imika la wado qorshe cusub oo lagu khaarajinayo Mr Cawar Xareed inagana layna yidhaahdo xalay waxa jeelka kudihiisa laga dhex helay C Xareer oo gacantiisa isku dal-dalay dabeetana hadal gam. Waxaan ugu baaqayaa reerka iyo qaraabada Cawar Xareed in wixii dhintay dhinte’ e in ay ka ilaaliyaan in Cawarna ay disho gacan ka xaqdaran oo ah tii isagaba galisay falkaa’. Taasna waxaa ku xigta ileyn Cawar xareed dil beena ayaaba lagu soo oogee Rag kale oo badan oo uxidhan laguna xidhey waxbaad qorteen oo uu ka mid yahey Aqoonyahan Jaamac jiir waxa isna la odhanayaa Dhiig kar ama Macaan ayuu la haayoo uma sheegin Cidna oo xanuunkaas ayuu ugeeriyoodey,qorshayaashani waa kuwa Xiga HUBAAL ninkii falka dilka ugeystey oo Suuqa iska jooga iyadoo aan wax talaabo ah laga qaadin waana waxa laga arkey dadka waana sidaas oo soconeysa ilaa ay gaadho fulinta dilka hoose si ninaastaa sheekada runta ah ula dhinto.

Waxaan shacbiga Somaliland leeyey hala ilaaliyo dadka jeelasha ku xidhan waxaa iman doonta dowlad dacwadahan ku soo oogta Qaatiliin

Comments are closed