|

MUDANE M/WEYNE : W/DAWLAAHA MAALIYADA MA QAADHANKA WADADA CEERIGABO AYAAD U SOO DIRTEY MISE CAYDA XIL-NACNAC IYO WADOOYINKA DADKU SAMEYSTEEN?

Marka hore waxaan salaamaya dhamaan reer Somaliland, gaar ahaan inta jecel horumarka, nabada,dimuquraadiyada iyo is qadarinta.

Afeef… Qofkii Alle yaqaana waxaan uga afeefanaya inaanu qoraalkeygani shaqo ku laheyn wax damac,dacaayad, mucaaradanimo,muxaafidnimo , qabyaalad, horumar diidid iyo dibindaabmayo midnaba.

Waa fariin ka dhalatey dareen aan hayn kari waayey oo aan kala kulmey shir ka dhacey magaalada Oslo ee caasimada Norway oo ujeedadiisu aheyd in qaadhaan loogu ururiyo Wadada Madaxweyne Silaanyo ugu talo galey iney go`doonka ka saarto umada reer Somaliland ee ku nool Gobalka Sanaag…

Gudida Qaadhan uririnta wadada Ceeri Gaabo oo intii mudo ahba ku wareegaysay wadamo ku yaala,Yurubta Galbeed ayaa Shaley Sabti 07.12.13 kulan arintaa ku saabsan la yeeshay dadweynaha ku dhaqan magaaladan Oslo ee Caasimada Norway Furtitaankii shirka iyo Ayaado quraana ka dib wuxuu Gudoomiyaha Jaaliyada Norway Mudane Rashiid Muse hadalkii u qeybiyey xubnihii loogu tala galey iney madashaa ka hadlaan.

Ugu horey Safiirka Somaliland ee dalkan Norway Mr Sulub Warsame ayaa soo dhaweyn ka dib Gudida martida ah u sheegay in Jaaliyada Norway ay tahey jaaliyad isku xidhin oo wixii loola yimaado aan u kala hadheyn, wuxuuna dadkii shirka ka soo qeyb galey ku dhiiriyey inaaney waxba ka hagran qaadhanka wadada Ceerigigaabo.

Gudoomiyaha Hayada La dadgaalka musuqmaasuqa iyo maalul Wanaaga Ahmed M.Madar oo geesta kalena degan dalkan Norway, ayaa hadalmasuuliyadi ka muuqto madasha ka jeediyay.

Ahmed ayaa sheegey in hore loogu baahna iney bulashada Somaliland iyadoo mideysan wadooyinka dalka midba mar isugu tagaan, lakiin buu yidhi hadii aaney hore u dhicin imika wadadan Ceerigaabo waa mid daruuri ah in la isugu tago madaama dhererkeedu dheer yahey, madaama ay buu yidhi uu dhulkii Somaliland 40% ama in ka badani ay go`doon ka jiraan dalka intiisa kale.

Gudoomiyaha Guurtida odayasha Mohamed Noor Ahmed (Tahar) oo shaqsi deeqsinimo iyo dadnimo isku darsadey oo goobta ka hadley ayaa sheegay in reer Norway bilowga ilaa dhamaadka Wadada Ceerigaabo diyaar u yihiin iney si hagar la`aana uga qeyb qaatan dhismaha wadada, isagoo sheegey in taasi ay tahey mid aan nalaga baryeynin.

Intaa ka dib waxaa hadalkii lagu wareejiyay gudidii Qaadhan ururinta oo uu ugu horeeyay Xil-Cali Gabiiley oo dadkii madashaa joogey hadba jenbi u dhigey, mar uu ka qosliyo,mar uu ka oohiyo iyo mar uu ka farxiyaba.. Mar wuu ka qosliyaaa oo wuxuu soo qaata heestii Faysal C.Mushteeg (ARR) ee uu lahaa ”Ilaa iyo saaka waanu soo soconee Saraari ma jidkii siraadba”.

Mar wuu ka oohiyaa oo wuxuu soo qaata halaaga iyo keedadka lagala kulmo Wadada isku xidha Burco—Ceerigaabo, Marna wuu ka farxiyaa wuxuu u sheega ina umadii reer Somaliland meel ay joogtaba ay wadada u kacdey.. Cali Gabiley oo uu dhashey Gobalka Borama ayaa wuxuu dadkii meesha joogey ka iibiyey fariintii M.Weynaha dalka Axmed Silaanyo ee aheyd in wax la wada qabsado.

Laba Hablood oo midi ahey Wasirkii hore ee Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo Ilhan M.Jama iyo Marwo Sacdiyo Muse oo iyagu Cali Gabiley ka daba hadley ayaa iyaguna dadka ku muday Irbad la qaadan karo oo ah in Sanaag ay la maqan tahey Barwaaqo badan oo hadii laga jabiyo jeelka wado xumida ay reer Somalilanbd barqada wada dhergi doonan. Maxey Baradho iyo Balsal ka sheekeyeen.

Alla halka markey mareysay jooji laheydaa…(Hadala sii dheh baa dishey, hanbana nabar danbaa diley,hadbalahana mid hoda oo hawaasiya uun baa diley).

Xaajo kasta may wadyo cid dhabqisa`e, iyadoo meel fiican mareysa oo aan uba baahneyn in wax danbe la sii sheego ayaa waxaa hadalkii loo dhiibey, nin lagu sheegay inuu Yahey Was/dawlaha Wasaariyada Maaliyada oo sawirkiisa aad markiiba ka akhri kareysay inuu ahaa Qurbe joog Tareenkii Kulmiye ku soo
raacey cay uu wuxuun caayi jirey.. ogobey Tareenka Kulmiye wuxuu ahaa tareen dheer oo cid waliba fuushey.

OSLO SHIR 092

Mujaahidin, Alle Yaqaamin, Ganacsato, Siyaasin Gaamurtey, Guurti sayn cadaaya, Dhalinyaro is badel doona, Afmiishaariin, Wax ma tarayaal, Cay badane yaal oo dhamaan markaa loo baahna, iyo Qaar kale oo badan.. Alla Tareenka KULMIYE maxaa umaad saarneyd.

Madaxweynuhu wuxuu usha la dhex galey dadkii Tareenkaa saara waxaanu ka soo xuley dadkii ay xaq u yeelaynay iney ina xukumaan. Bal qabso Ilaahba doora ee qofna wax ma dooro.

Meshaan hanaan gobinimo iyo hayadiyad ka eegayay Haf miyaad la tidhi sidaad Xaydh sidaa Haan ku dhaneyso. –(Silsiladii Xaydha) Halkii aanu ka eeganey inuu noo sheego inaanu min tobon kun oo Dollar isku qoro ayuu wuxuu Wasiirkii dhamaa, Gudoomiyhii gudida Qaadhan ururintu sheekadii ku bilaabey inuu cay iyo ku tiiqtiiqsi dabada u qabto dadkii reer Somaliland ee iskood isugu xilqaamey iney Jay iyo daamur ku daadiyaan wadooyinkii degaankooda dhex marayey.

”Xil.Nacnac ayaa meel walba la taagan wadada Bali Gubadle, Wadada dawga cad dawladu 15 km ayey bixisey, Wadada dila dawladaa wax ku darsatey, wadada Salxey waa 15 km oo laba islaamood ayaa caano soo mariya 5 Km. Dawlada dhexe ayaa bixisey, 5 Km-na Dawlada hoose ayaa la aamustey.

Wadada Oodweyne-Hargeisa lacag baa la siisey waana wado kooban. Meel walba waxey ka leeyihiin wadooyinbanu sameynay. Waar wadada Ceerigabo wey dhismeysaa kii ku farxaya iyo kii naxayowba!!!!!!!. Bil xiiqiiqatan waxaa xaq loogu lahaa oo afkiisa aheyd inuu amaan iyo sharaf huwiyo cidii wax qabtey ee dalka iyo dadka wax u qabatey. Balse Alle doori sowkaa Darka jiidhey Ina Saxardiid Cadaani.

Arinta kale ee layaabka ee meesha ka dhacdey ayaa waxey aheyd markii uu Wasiir Cadaani odaayshii iyo dadkii reer Norway ee shirka joogey ku torjar gareeyay iney qasab ku sheegaan iney bixiyaan 2000.000

Dollar.. Sowtii ergi wixii la siiyana cuni jirtey wixii la farana qaadi jirtey.. Yaa xaq u siiyey inuu dad uu u tagey ku khasbo iney sheegan waxa ay bixinayaan…!!!!!

Qofku marka uu xiligii mucaarada si xun wax u caayi jirey, kuma haboona,munaasibna ma aha in  maalmulka dalka lagu soo daro marka uu guuleysto xisbigii uu tirsana, waayo qofkaasi wuxuu weli u haystaa inuu mucaarad yahey, waxaanu gebi ahaanba ilaawa ama ka luma milagaha uu leeyahy qof masuul ahi, isagoo weli caydii iyo deelqaafkii halkii kii sii wada

Dabcan waxaan odhan karaa Wasiir u Dawlaha Maaliyada Cadaani, ma aha nin u qalma xilka Qaadhaan ururinta ee wadada Ceerigaabo ee uu Madaxweynuhu u magacaabey , waxaana totally iskaga khaldan umadii Qaadhanka looga soo direy ee muwaadiniinta aheyd ,iyo Xisbiyadii ama Mucaaradkii dawada dhaleecanayey.

Gebagebadii iyo Gunaanadkii waxaan Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo masuuliyinka kale ee khuseysaba ka codsnaya iyagoon u qaadan in cidii hadashaaba ay mucaarad tahey iney wasiirkaa Waqooyiga Amrica ka soo hangagaarey ku wargiliyaan inuu kala saaro Siyaasada iyo Boorashka.

Inuu kala saaro hawlaha Qaranka ka dhexeeya iyo u jawaabida Guulwadeysan ee Mucaaradka ula jeedo.

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

omardool1988@hotmail.com

Comments are closed