|

Garabka Haweenka Ucid ee London oo qabtay xaflad loogu magac daray Habeenka Haweenka Ucid oo lagu qabtay London Dawo Sawirad xaflad

London 08Dec13(SDN)Xaflad aad u baaladhan oo lagu qabtay Galbeedka London magaaladda London xaflad aad u balaadhan oo ay soo abaabuleen garabka Haweenka ee Xisbiga UCID  taas oo loogu magac daray Haweenka iyo Habeenkii Ucid ,Kulankan oo aad u baalaadhnaa oo ka  soo qaybgaleen Haween aad u tiro badan  oo isaga kala yimid daafaha Cariga Ingiriiska gaar ahaan casimada Dalkan Ingiriiska London.Waxa kale oo xaflada ka qayb qaatan haween reer Somaliland ah.

IMG_6590

 

IMG_6593

Xaflada oo ku saabsanaa Tageerid xisbiga ucid  iyo , Is waraysi,der-der galinta hawlaha Xisbiga UCID, Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen  qaar ka mid ah madaxda Xisbiga UCId Ugu horeyn waxa xaflada hadalo soo dhaweyn iyo mahadnaqba  ah  kasoo jeedisay Gudoomiyaha garabka Haweenka ee london  Marwo  Ifraax Baruud oo aad ugu mahadcelisay sida aadka u quruxda badan ee aad uga soo qaybgasheen xaflada,Waxa ay Ifraax ka waranta hawlaha xisbiga gaar ahaan garabka Haweenka halka ay marayaan,Waxyaalaha loo baahan yahay in la qabto iyo guud ahaan himilada xisbiga ee ku aadan der-der gelinta hawlaha ina  horyaala.

IMG_6589

Saynab Xaaji Gaydh oo ah Xoghayaha Xisbiga UCID ee  Yurub oo ka mid ahayd soo qaban-qabiyaashii xaflada ayaa iyaduna aad ugu mahadcelisay dhamaan Haweenka sida quruxda badan ugu soo qaybgalay xaflada,Waxay ka warantan Hawlaha xisbiga UCID ee qaarada Yurub oo ay u tahay xoghayaha ,waxayna kula dardaarantay haweenka inay dedaal dheeraada muujiyaan sidii xisbigu uu horumar la taaban karo uga gaadho dibad iyo gudaba.

IMG_6590

Nuura Ciise Oomar oo ah Xoghayaha Xisbiga UCID UK,ayaa iyaduna hadalo aad u qiimo badan oo ku saabsan hawlaha xisbiga ka warantay iyo sidii hawlaha xisbiga loo balaadhin lahaa gaar ahaan dhinaca Haweenka oo ah laf- dhabarka Xisbiga iyo guud ahaan Somalilandba.

IMG_6594

Waxa kale oo Haweenka Xisbiga UCID taageero u muujiyeen shirwaynaha Qaran oo say sheegeen inuu yahay mid sharci ah madama oo aay xisbiyada qaranku aay abaabulayaan oo aay ka kooban yihiin goolaha wakiiladu oo ah gole parliament oo loogu talagalay inaay xukumada qabtaan oo aay la xisaabtamaan islamarkaasina aay yihiin sharcidajintii dalka awood banay u leeyihiin inaay madaxwaynahay impeach garayn karaan ama aay xilka ka xayuubinkaraan islamarkaasina ay yihiin cida umada iyo xukumada u dhaxaysa aanay yihiin sharcidajintii dalka hadaanu nahay garabka haweenka xisbiga Ucid UK.waxaanu leenahay shirka qaran waa sharci waanuna tageersanahay.

IMG_6634

Waxa kale oo iyana kulanka ka hadlay haween  kale oo ah tageerayaasha  Xisbiga UCID,aadna ugu mahadceliyey sida quruxda badan ee aad xafladan usoo abaabusheen,waxayna tageero  mid dhaqaale iyo mid maskaxeedba ugu balan qadeen inay xisbiga ku taageerayaan.Haweenka kale ee tageerayaasha ahna kula taliyeen in ay xisbiga tageeraan.

IMG_6645

Ugu danbeyntii waxa ay BAAQ canbaareyn ah u direen xukumadda Somaliland  falkii anshax xumada ahaa ee lagula kacay musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen safarkii uu ku tagi lahaa Gabiley ee Xukumada Kulmiye u diidey in uu galo magaalada isaga Gabiley isaga iyo madaxdii kale ee xisbiga la socotayba,Waxayna ku tilmaameen in ay tahay wax laga xishoodo tariikhdana gali doonta.

IMG_6607

Sidasoo kale waxa ay Baaq kaa la mid ah u direen Xukumada Wariyayaashii  xadhiga loo geystay iyada oo aan waxba galabsan,Tasoo cadeynaysa in xukumadda Kulmiye in ay wixii ay dawladii hore ku maagi jirtay ay sameynayso weliba ay kasii bad-badisay.Waxa ayna ku booriyeen in waxyaalaha noocaasoo kale ah ee xukumadu ku kacaysaa ay dhaawi karto jiritaanka Somaliland.

 

IMG_6554IMG_6557IMG_6560IMG_6573IMG_6581  IMG_6588IMG_6589IMG_6590IMG_6591IMG_6593IMG_6594IMG_6599IMG_6607IMG_6610IMG_6613IMG_6623IMG_6629IMG_6632IMG_6634IMG_6645IMG_6663IMG_6666

UCID MEDIA/LONDON

Comments are closed