|

Gudidad Dhismaha Dawga Cad Oo Saaka Bilaabay Qaybtii Labaad Ee Dawga Cad iyo Baaq Taageero Ahna U Diray Qurba Joogta Dalka DAAWO

Hargeisa 08.Dec 2013 (SDN)Gudida Isku Xilqaantay Dhismaha Dawga Cad Ee Isku Xidha Dawladaha Somaliland iyo Jabouti ayaa Safar Ugu Baxay Jidkaasi oo In Mudo Ah Uu Dhismihiisu Socday ,Iyagoo Dhamaystiray Qaybtii Koowaad Isla Markaana dhameeyay Sadexdii Km Ee Ugu Dhibta Badnaa isku Xidhka Dadwaynaha Labada Dal.

Jidkan Ayaa Ahaa Mid ay Ku Soo Halaagmeen Dadbadan  oo Iskaga Kala Dhoofi jiray Wadamada Somaliland Iyo Jabouti  iyadoo Sanadka Kasta Ay ku Rogman Jireen baabuurta Maraysa Jidkaasi oo Aad U Xumaa isla markana dad badani ku nafwaayi jireen.

Waxa Isku Hawlay Oo Ka shaqeeyay Gudi Madaxbanaan oo Kaliged Is xilqaantay Iyadoo Qaybtii Koowaad Ee Ugu Xumayd Dhamaystiray.

Waftigan ayaa Waxay Ku Hakadeen Meel La Yidhaahdo Dhadiga Halkaasi oo ah Meela Ugu Xun Ee Carro Tuula Isla markaan Baaburtu galaan .

Eng Cali Cabdi Oo ka Mid ah Engrada Dhisaya Jidkan ayaa waxa uu Faah Faahin Ka Bixiyay Goobta Dhagida Oo Ah Meel ay Baabuur badani Ku Hanaadmeen ,Waxanu sheegay In Meeshani Tahay Nus Km oo Aanay Baaburtu mari Karin,Waxanay Dhibaato badan U Gaystaaa Safarada iyo Dadwaynaha,Waxanu sheegay Inay noqotay Biyo Mareen.

Gudidan Oo Ah Mid madaxbanaan Ayaa waxay iskugu Jirtaa Engneero Dhisaysa wadada Dawga Cad iyo QurbaJooga Deegaanka Ah,

Buurta Camuud oo Ah Buurta Ugu Dheer ee Baaburtu Dhib Badan Ku Qabaan isla markaan dad badan qabta ,   ayaa Waxa Ka Hadlay Eng Axmed Warsame Siciid Oo ka Mid ah Engneerada Dhisaya Wadadan Waxanu Yidhi “Maanta Dawgii Waynu ka soo Dhaadhacnay 3km Ee dawga Ahaa Oo la dhamaystiray waad soo aragteen ,halkan aynu taaganahay Waa Buurta Camuud Oo ah Meel ay Baaburtu Dhib badan ku qabaan Waana Halkii Km Ee Noo Hadhsanaa,Hadii Aanu Intaa dhamaynay Nimcadii Maalimihii Dhawayd Da’ay Ayaa dhibaato gaadhsiiyay,Wadada Waanu banaynay Miinooyin Ayaanu Ku Qarxinay Oo Iyadoo 7km Ah Ayaanu banaynay ,Roobkaasi Oo Dayay 36 saacadood ayaa Qaaday Wixii aanu Ciid Dhignay”Ayuu Yidhi Eng Axmed Warasame siciid

Waxa isaguna Halkaa Ka Hadlay Sheekh Cabdiqaadir Jaamac Oo ka Mid ah Gudida Isku Xilqaantay Dhismaha Dawga cad Waxanu Yidhi “iyadoo dan guud ay tahay Cid gaar ahna Loo Hagaajinayayn Markii aanu Bilawnay Waxa Ka soo wareegay Laba sano Anagoo markii wixii aanu haynay Ku bilawnay, waa Sadaqo janada Lagu galayo,Dhamaan Cidii Wax ku darsanaya waxnu leenahay ku soo darasada waliba dar Ilaahay oo Siyaasad Ka Madhan ,Waji Ka madhan,tana taasi ayaanu u qabanay” ayuu yidhi Sheekh Cabdiqaadir  jaamac

Waxa Isaguna Halkaa Ka hadlay Xasan Cali Wayd Oo Ah QurbaJooga Ku Dhaqan Wadanka Ingriiska  Waxanu hadalkiisa ku bilaabay “ Intii Hawshan la bilaabay Ee La Yidhi Soo Caawiya Wixii aanu soo bixinay Waxanu u Arkaynay Wax Waxqabanay ,Waxan arkay Anigo Afka qurbajooga ku Hadlay Waxaan Aad ula yaabay  oo ah Dawga Cad oo La sameeyay ,Dawgan Ay Jabiyeen ,Lacag ayaynu Soo Diri Jirnay Hadii aynu qurbajooga Nahay Waxan Leeyay Lacagta aynu soo Dirnay Ragbaa Wakhtigoodii Lacagtoodii iyo Hawshoodiiba Ku Daray,Meeshu waa mashruuc Dheer Oo Dawlad Mooyaane Dad ka baxeen ,waxaan baaq dheer u jeedinayaa beesha meeshan deegaanka ku ah Inay Iskugu tagaan Jidkaasi halbawlaha Ah,Halkan Wixii la qabtay Waaa Wixii ugu qiimaha badnaa,waynagii ogayn Xoolihii iyo dadkii oo dhimanaya Oo Meel Loo Maro La la’aa,Waxan Qurba jooga Leeyay Arinkan U Soo Jeedsada Ruuxwaliba wixii uu hayo Ha kala qayb qaato,Dhamaan Tijaartana waxan leeyay Hawsha ha La dhamaystiro,”Ayuu yidhi Xasan Cali Wayd

Waxa Isaguna Goobtaasi ka hadlay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure(Sh.ismaaciil Dheeg) Waxanu Yidhi “Saaka Farxad ayay noo tahay Xafladan Loogu Talo galay In Dadka Intii aan Ogayn Markhaati ka noqoto Wixii la Soo Qaybtay,Dadka waxa Ku darsaday Waxanu Markhaat Idinka nahay Wixii Hore Ee Aad Bixiseen Ay Idin noqotay Kayd Ilahay Agtiisa ah, Wixii Dadku Bixiyay Waxay Galeen ,waa mashruuc Jid Banayn Ah Waa mashruuc U Baahan gacmo Fara badan “Ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Dheeg.

Waxanu baaq U diray Dhamaan Deegaanada Somaliland Oo Uu sheegay In Dawgani Ka dhexeeyo yahayna Mid Mihiima,Xaga Kuwa siyaasada ayaa waxa uu u soo jeediyay Inay Wax la qabsadaan Dadkan Is xilqaamay Kaligood.

Xildhibaan Axmed Ciise ayaa waxa uu sheegay  In Wadadani Mihiim U Tahay Isku socodka gaadiidka Iskaga Gudbay Labada wadan.

Waxanu sheegay In wax La isla qabto ,xukuumaduna dhankeeda wax ka qabato Wali Kama hayno Wixii Ay Ku baaqday Inay mashruucan wax ku darsanayso.

Ugaaska Guud Ee Beelaha Habar Awal Cabdilaahi Xawaareeye ayaa isaguna sheegay In hadii gacmaha La is Qabsado Wax waliba waa dhamaanay ,waxanu tilmaamay Inay Cid walba dan u tahay Arinkan Aynu wadnaa Oo ah In La dhamaystiro Dawga Cad  ,Dawga Cad Waxay ku Xidhmaysaa Ta Salaxlay ka Imanaysa  ,meeshanina tahay Mustaqbal Soo socda

Gabagabadiina waxa Halkaasi ka hadlay Gudomiyaha Gudida Dawga Cad Cabdiqaadir Xaashi Waxanu Sheegay Inuu soo Dhawaynayo Waftigan yimid Dawga cad Si ay U soo Arkaan Waxanu yidhi “Marka laga hadlayo dawga cad lagama hadlayo Qareen Goo lakin waxa Laga hadlayaa Deegaan ,Waxa laga hadlayaa Mustaqbal,,waxanu Ka hadlayaa Meelo ganacsigu Is waydaaran doono,wadadan markaynu ka hadlayo waxa inoo soo baxay wax badan ,dawga cad markaynu ka hadlayo waxanu sheegaynaa mustaqbal balaadhan,hala dadaalo Oo Wax ha La isla qabsado” ayuu yidhi Ugaas Xawaareeye

Dawgan Cad aaya ha Mid la waday Mudoonyinkii U dambeeyay dhisayeena Gudidad Deegaanka Oo Gacan ka Helay Qurbajoogta Xukuumadan wali Laga Hayn Balan qaad ay samaysay

IMG_2400 IMG_2401 IMG_2402 IMG_2403 IMG_2404 IMG_2405 IMG_2406 IMG_2407 IMG_2408 IMG_2409 IMG_2410 IMG_2411 IMG_2412 IMG_2413 IMG_2414 IMG_2415 IMG_2416 IMG_2417 IMG_2418 IMG_2419 IMG_2420 IMG_2421 IMG_2422 IMG_2423 IMG_2424 IMG_2425 IMG_2426 IMG_2427 IMG_2428 IMG_2429 IMG_2430 IMG_2431 IMG_2432 IMG_2433 IMG_2434 IMG_2435 IMG_2436 IMG_2437 IMG_2438 IMG_2439 IMG_2440 IMG_2441 IMG_2445 IMG_2446 IMG_2447 IMG_2448 IMG_2449 IMG_2450 IMG_2451 IMG_2452 IMG_2453 IMG_2454 IMG_2455 IMG_2456 IMG_2457 IMG_2458 IMG_2459 IMG_2460 IMG_2461 IMG_2462 IMG_2463 IMG_2464 IMG_2465 IMG_2466 IMG_2467 IMG_2468 IMG_2469 IMG_2470 IMG_2471 IMG_2472 IMG_2473 IMG_2474 IMG_2475 IMG_2477 IMG_2480 IMG_2481 IMG_2482 IMG_2483 IMG_2484 IMG_2485 IMG_2486 IMG_2487 IMG_2488 IMG_2489 IMG_2490 IMG_2491 IMG_2492 IMG_2493 IMG_2494 IMG_2495 IMG_2496 IMG_2497 IMG_2498 IMG_2499 IMG_2500 IMG_2501 IMG_2502 IMG_2503 IMG_2504 IMG_2505 IMG_2506 IMG_2507 IMG_2508 IMG_2509 IMG_2510 IMG_2511 IMG_2512 IMG_2513 IMG_2514 IMG_2515 IMG_2516 IMG_2517 IMG_2518 IMG_2519 IMG_2520 IMG_2521 IMG_2522 IMG_2523 IMG_2524 IMG_2525 IMG_2526 IMG_2527 IMG_2528 IMG_2529 IMG_2530 IMG_2531 IMG_2532 IMG_2533 IMG_2534 IMG_2535 IMG_2536 IMG_2537 IMG_2538 IMG_2539 IMG_2540 IMG_2541 IMG_2542 IMG_2543 IMG_2544 IMG_2545 IMG_2546 IMG_2547 IMG_2548 IMG_2549 IMG_2550 IMG_2551 IMG_2552 IMG_2553 IMG_2554 IMG_2555 IMG_2556 IMG_2557 IMG_2558 IMG_2559 IMG_2560 IMG_2561 IMG_2562 IMG_2563 IMG_2564 IMG_2565 IMG_2566 IMG_2567 IMG_2568 IMG_2569 IMG_2570 IMG_2571 IMG_2572 IMG_2573 IMG_2575 IMG_2576

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed