Ciidan Xooggan Oo Ethiopian ah Oo Kusii Qulqulaya Deegaanka Ceerbarde Iyo Dagaal Laga Cabsiqabo inuu Qarxo
Bayrdhaba:08-Dec-2013(SDN)-Ciidamo Xooggan oo ka tirsan kuwa Dalka Ethiopia, ayaa gaadhay Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, halkaas oo ay durba ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo, iyadoo aan la ogeyn ujeedadooda dhabta ah.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool ayaa maalmo ka hor warbaahinta u sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay Kooxda Al-shabaab kaga saaraan Degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan tahay oo ay ku jirto degmada Xarunta ah ee Xudur.
Goobjoogayaal ku sugan Degmada Ceelbarde ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Ethiopian-ka ah ee gaadhay degmadaas ay wataan gaadiid aad u fara badan oo kuwa dagaalka kuwaasoo ay ku jiraan taangiyo casri ah.
Al-shabaab ayaa waxay ka talisaa inta badan Degmooyinka Gobolka Bakool waxaana sanadkan horaantiisii ay la wareegtay Degmada Xudur kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Ethoipia iyo kuwii DF ooh al sano ka talinayay.
Xoogaga Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday degmada Ceel-barde oo ah degmada Keliya ee ay ciidamada DF kaga sugan yihiin Gobolka Bakool oo ku yaala Xuduudaha ay wadaagaan Somalia iyo Ethiopia.
S.D.N