Dareenada Ku Xeeran Safarka Shariif Xasan Ee Magaalada Baydhabo
Hargeysa:08-Dec-2013(SDN)-Safarka uu Guddoomiyihii hore ee Baarkamaanka dawladii ku Meel-gaadhka ahayd ee Soomaalia, shariif xasan sheikh aadan ku tegay magaalada Baydhabo, ayaa dareeno kala duwan muujinaya.
Shariifka ayaa haatan kaalin weyn ka qaadanaya dhismaha maamulka loo alkumaya Gobolada Bay iyo Bakool, waxana ay haatan u muuqataa inuu halkaas ka wado Olole la xidhiidha arrinta dhismaha maamulkaas dhawaan la samayn doono.
Shariif Xasan oo lagu tilmaamo nin udub dhexaad u ahaa muranadii ragaadiyey dawladii ku Meel-gaadhka ahayd ee hore, ayaa maanta kulamo kula leh Baydhabo odayaasha, waxgaradka iyo masuuliyiinta gobalka ee dowladda kuwaasoo looga wada hadlayo sidii mar uun maamul loogu dhisi lahaa Bay iyo Bakool kadib markii Shariif Xasan iyo siyaasiyiin kale oo caana ay ku hun-goobeen maamulka Kismaayo oo ay damacsanaayeen in xilal waaweyn ay ka qabtaan.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay shabakadda wararka ee Qurbejoog.com ka helayso dhaqdhaqaaqaas, waxa uu shariif xasan haatan u orayaa sidii loo abuuri lahaa Maamul uu isagu madax ka yahay,iyadoo uu isku qanciyey inuu tallaabadaas ku guulaysan karo.
Waxaa culeysyo uu ka jira dhanka Shabeelllaga Hoose maadaama siyaasiyiinta gobalkaasi ay sheegeen dhowaan inaan looga talin Baydhabo, waxana ay taasi caqabad ku tahay rabitaanka shariif xasan ee uu ku doonayo kursiga Maamul ay samaystaan saddexdaas Gobo lee jaarka ahi.
Lama garan karo sida ay ku guulaysan karto talaabadan uu shariif xasan haatan abaabulayaa, balse ma fududa inuu si dhib yar ku noqdo madaxweynaha maamul aan haatan jirin.
S.D.N