Haweenka Madaxtooyada Oo Ku Guulaystay Soo Celintii Maareeye Gaas iyo Wasiir Cukuse Oo Laga Baajiyey Is Casilaad
Hargeysa:08-Dec-2013(SDN)-Murankii muddooyinkii ugu dambeeyey dhex yaallay Wasiir Cukuse iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka Somaliland, ayaa keenay in shalay subixii hore shir albaabadu u xidhan yihiin uu madaxweynuhu labadan masuul isku hor fadhiisiyo.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay aqalka madaxtooyada Somaliland, wasiir cukuse ayaa halkaas keenay daliillo cad cad iyo caddaymo keenay inuu shaqada ka joojiyo maareeyihiisa, halka uu maareeyuhuna isku dayey inuu iska difaaco eedaymahaas wasiirka uga imanayey.
Kulankan oo sidoo kale ay goobjoogayaal ka ahaayeen Boqor Buur Madow iyo xildhibaan cali mareexaan oo ah ragga ugu dhaw madaxtooyada, ayaa uu madaxweynuhu u sheegay wasiir cuskue inuu gar iyo gardarraba shaqadii ku celiyo maareeyha, maadaama uu arrinkaasi fidmo ka dhex abuuray aqalka madaxtooyada oo laga fadhiyi la’yahay Haweenka ku xeeran madaxtooyada.
Wasiir cukuse oo isagu lagu yaqaanno hadal-caddaan, ayaa ka biyho diiday dalabka madaxweynaha, waxana uu isla goobytaas kaga dhawaaqay inaanay suurtogal ahayn inay mar kale wada shaqeeyaan Mareeyihii uu dhawaan shaqada ka joojiyey,balse madaxweynaha ayaa arrintaas si cad u diiday.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku Hanjabay in haddii aan xal kale la haynin uu isagu xilkaas iska dhiibayo oo aanu la sii shaqayn doonin m aareeyaha uu kiisaska noocaas ah ee laf jabka ku ah qaranka ku soo oogay.
Boqor cismaan Buurmadow iyo Cali marreexaan ayaa si aad ah ugu dedaalay inay baajiyaan is casilaadda wasiirka oo isagu si weyn uga cadhooday sida dawladnimada dhabaka looga jabinayo ee madaxtooyadu nin jeclaysiga iyo danaha gaarka ah ugu shaqanayso, balse markii dambe waxa wasiirka lagu qanciyey inuu ka tanaasulo maanta waxaas oo kiis ah oo uu gacanta ku hayo.
Gebagabadii waxa la sheegay inuu cukuse aqbalay dalabka salkka ku haya eek a soo go’ay haweenka madaxtooyada ku xeeran oo iyagu si gaar ah ah la sheegay inay wada shaqayn dhinaca ku takri falka hantida shacabka ahi uga dhexayso Maareeyaha ku caan baxay daldalashada hantida umadda.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com