|

Safarka Madaxweyne Siilaanyo Ku Tegey Jigjiga Oo Hoos U Dhigay Maqaamkii Somaliland

Hargeysa:08-Dec-2013(SDN)-Ka qayb-galka Madaxweyne Siilaanyo Kaga Qayb-gelayo Xuska  Maalinta Qoomiyadaha iyo Shucuubta Ethiopia, ayaa   u muuqda mid Hoos u dhac ku ah Maqaamkii Jamhuuriyadda Somaliland ku sheeganaysay Waddan madax Bannaan.

dhaweeyeSidoo kale waxa safarkan siyaabo kala duwan uga hadlay shacab badan oo ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxana ay intooda badani aaminsan yihiin inaanay ku haboonayn madaxweynaha inuu ka qayb-galo xuskaas, maadaama Dalalka kale ee jaarku aanay madaxweynayaal ka imanin.

Xuskan oo taariikhda markii ugu horraysay lagu qabanayo caasimadda Dawlad-deegaanka soomaalida Ethiopia, ayaa ka soo qayb-galayaasha ka socda waddamada jaarku dhammaantood ay ugu sarreeyaan heer wasiir, mana jiraan wax madaxweyne-yaal ah oo ilaa haatan lagu dhawaaqay inay halkaas tegayaan.

Madaxweynaha kaliya ee ilaa hadda sida rasmiga ah uga qayb-galay maalintan ayaa ah Madaxweyne Siilaanyo, halka  Maamulka Puntland uu sidoo kale madaxweynahoodii meesha joogo  balse iyagu marnaba ma ay sheegan inay dawlad madax bannaan yihiin.

Tallaabadan uu madaxweyne Siilaanyo ku go’aansaday inuu kaga qaybgalo xuskan, ayaa  loo arkaa mid hoos u dhac ku ah qaranimadii, maadaama uu madaxweynuhu dhex fadhiisan doono Wufuud wasiirro u badan oo ka socda waddamada mandaqadda ku yaalla, gaar ahaan kuwa afsoomaaliga ku  hadla.

“Waxan u arkaa inuu madaxweynaha safarkiisani wax weyn u dhimay halgankii loogu jirey helitaanka Dawalnimo, waayo waxa uu sida ka qaybgalay xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia, ilaa haddana ma jiraan waddanka kaliya oo madaxweynihiisii uu halkaas jooga, siilaanyona waxa uu la maqaam yahay oo agfadhiisan doonaa Madaxweyne Faroole iyo qaar ka sii hooseeya.” Sidaas waxa sheegay  maxamed jaamac muuse oo ah  muwaadin ku nool magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayey u ekayd inuu goobtaas u diro wafti wasiirro ah oo aanu isagu isku lu’gooynin sida ay yeeleen dhiggiissa Djibouti iyo Soomaaliya oo dhammaantood halkaas u diray wufuud wasiirro ugu waaweyn yihiin.

Madaxweyne siilaanyo ayaa isaga iyo waftigiisa  uu madaxweynaha is maamul-goboleedka Ethiopia kaga Horyimi Xadka  Degmada wajaale  isagoo halkaas ka sii Gelbiyey, maadaama uu  wufuudda meesha joogta ugu meeqaam Sarreeyo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed