|

Maayarka Caasimada Hargaysa oo Iftiimiyay Waxqabadkooda ku aadan Bishan Decenbar

Hargaysa 07.Dec 2013 (SDN)- Maayirka caasiamada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [  soltelco]  ayaa maanta shir jaraa id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay waxqabadayada bishan decembar u qorshaysan dawlada hoose in ay ka fuliso caasimada Hargaysa.

Maayarka Caasimada HargaysaMaayirka caasimada hargaysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [ soltelco] waxa uu intaa ku daray in mudadii ay xafiiska joogeen in ay wax ka qabteen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dayactirka wadooyinka caasimada  , kor u qaadida bilicad caasimada  iyo mashaariic kale oo u saabasan arimaha bulshada sidaa daraadeed bishan diisanbar hawlaha u qorshaysan ay ka mid yihiin dhinacayad fayo dhawrka gaar ahaan ururinta qashinka .

Waxa maayirku sheegay in arinta qashinka ay soo baxeen cabashooyin badan islamrkaa golaha deegaanka caasimadu uu fadhi ka yeelan doono maalinta salaasada ee todobaadkan, waxaanu intaa ku daray in shirkadaha qashinka ay ka dalbadeen in shirkad kastaa ay keento  gaadiid kuwa qashinka ah taasoo intoodii badnayd ay keeneen inta kalana laga sugayo. Waxaanu tilmamay maayirku in wakhtigii loo qabtay shirkadaha aan wali keenin gaadiidka qashinka in ay ku eegtahay maalinta bari ah

Maayirku waxa uu xusay in fadhiga ay salaasada ka yeelanayaan shirkadaha qashinka in ay kaga hadli doonaan xeerka qabanaya cidii meel wado ah ku daadisa qashin  taasoo ay kala kulmi doonaan ganaax

geesta  kale waxa maayirku sheegay in dawlada hoose ay fulin doonto masaariiic horumarineed oo ay a mid yihiin dhismayaal garoomo Kuabadeed oo isagu jira kuwa kubadaha Cagta iyo Kolayaga  iyo sidoo kale Saldhigayo laga samanyn doono xaafadaha qaarkood.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed