Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Weftigiisii oo si Diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Jig Jiga
Jig Jiga 07.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo u kicitimay Dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalo Madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga halkaas oo madaxweynuhu uu kaga qaybgelaayey Sanad Guurada Qoomiyahada Ethiopia wada Dega kuwaas oo ay ka soo wareegtay Sanad Guuradii 8aad qoomiyaha shucubaha Ethiopia.
Markii weftiga madaxweynuhu ay gaadheen Xuduudka Labada Dal ee Somaliland iyo Ethiopia Waxa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa oo xuduuda kaga hor yimid Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo qaabilaada ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigba u hor kacay Xuduuda ilaa jigjiga laga gaadhayey halkaas oo madaxweynaha lagu qaabilay heer caalami, waxaana madaxweynaha la dejiyey Guriga Martida ee Madaxtooyada DDS –da oo ay hore u sii deganaayeen Raisal wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha South Soudan iyo Madax fara badan oo ka socda Wadamada Afrika intooda kale.
waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Safarkan Marwada Madaxweynaha JSL, Wasiirka Madaxtooyada JSL,Wasiirka Warfaafinta JSL
Wasiirka Beeraha Jsl, Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee JSL,Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha JSL Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee JSL
Agaasimaha Guud Arrimaha Dibeda JSL. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada JSL Xildhibaan Indho indho (Golaha Guurtida) iyo qaybka mid ah Saxaafada Somaliland oo weftiga Madaxweynaha ka mid ah.
Jig Jig SDN.
Qurbejoog.com