|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Magaalada Jig Jiga kaga qayb galaya Munaasibada Xuska Qoomiyadaha Itoobiya

Hargaysa 07.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu  ambabaxay wadanka Itoobiya ka dib markii uu casuumad rasmi ah ka helay dalkaasi.

siilaanyo-2Madaxweynaha Somaliland Waxaa safarkiisa oo qaadan doona muddo labo cisho ah ku weheliya mas;uuliyiinta kala ah, wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, Wasiirka wasaaradda warfaafinta Md cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirka wasaaradda ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka wasaarada Biyaha Md Xuseen Axmed Cabdallah iyo afhayeenka Madaxtooyada Md Axmed Saleebaan Dhuxul.

Madaxweynaha Somaliland mudada labada maalmood ah ee uu socdaalka ku joogayo dalka Itoobiya waxa uu Magaalada Jigjiga kaga qayb geli doonaa shirka qowmiyadaha Itoobiya oo maalinta berito ee Axadda si rasmi ah uga furmi doona xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee JIGJIGA.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed