|

Dawlada Koonfur Africa oo faahfaahin ka bixisay Aaska Qaran ee Mandela

Johansberg Dec 07,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa shaaciyay in dalkaasi mudo todobaad ah looga baroordiiqi doono geeridii ku timi madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela.

Zuma ayaa sheegay in Aas Qaran oo qaadan doona mudo todobaad ah  loo Qaban doono Nelson Mandela.

Baroordiiqa u horeeyaahi waxa uu ka dhici doonaa garaankii koobka aduunka ee 2010 FNB Stadium oo aheyd goobtii ugu danbeysay ee uu mujtamaca ku arkaan intaanu ka fariisan siyaasada.

Ka dibna Meydka Nelson Mandela Dec 11keeda waxa loo qaadi doonaa magaalada Pretoria,halkaa ayuuna ku sugnan doonaa inta laga gaarayo Dec 15keeda oo loo qaadi doono degaanka Qanu oo lagu aasi doono.

Qanu ayaa ah tuuladii uu ku dhashay kuna barbaaray Mr Mandela,waana halka haatan xabaashiisu ka qodan tahay.

Madaxweynaha Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa beesha caalamka uga mahad celiyay sida diirimaadka leh ee ay uga soo tacsiyadeeyeen geerida Nelson Mandela.

SDN-Johanesberg
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed