Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Si Qiiro Leh Uga Hadashay Geeridii Ku timi Neslon Mandella
Paris:07-Dec-2013(SDN) –Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, ahna Ra’isal wasaare ku-xigeen Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa si cilmiyeysan uga hadashay geerida Madaxweynihii hore ee Konfur afrkiga Neson Manedela, waxana ay ku tilmaantay Halyey ka Baxay qaaradda Madow.
Marwo Fozia ayaa sheegtay in Mandella ahaa nin ay soomaalidu u baahanayd in ay wax badan kaga dayato, maadaama uu mideeye u ahaa kumanaan reer South Afrika oo kala jinsiyado ahaa.
“Maanta magaalada Paris oo aan wada joogno Madaxda Afrika, Madaxweynaha France, Madaxda QM, AU iyo EU waxaan wada xuseynaa taariikhdii Wiilkii ugu muhiimsanaa Africa oo geeriyooday: Nelson Mandela waxuu ahaa Xornimo iyo Xaq u dirir, si hagar la’aan ahna caddaalad u dagaalamay, waxuuna ahaa iftiinka bani’aadanimo ee adduunka.“
“Soomaali ahaan Mandela waxuu ahaa calaamad weyn oo Midnimo Qaran, Dib-u-heshiisiin iyo Nabadeyn oo Soomaaliya ay si aad ah ugu baahantahay nalooga baahanyahay inaan khilaafkeena xalino oo aan danta guud iyo wanaaga ka zada-shaqeyno. Madaxda Afirka oo shir u wada joogta Paris kana wada hadlaya amniga iyo Nabadda oo la oran karo Mandela waxuu taariikh weyn ka sameeyey Nabadeynta oo aan wada xuseynaa.”
“ Dhabtii ayaa ah haddii aan cashar ka baranno Mandela bacdamaa khilaaf, dagaal iyo collaado aysan xal noo keeneynin, waa inaan Midnimo Qaran u wada tafoxeydanaa. Maanta waxaan ka soo gudubnay 23 sano oo collaado joogta ah, oo aan hourmar ballaadhan sameynay, hadda waa inaan ka wada shaqeynaa Soomaaliya oo nabad waarta hesha.”
Ayey ku sheegtay marwo foosiya qoraal dheer oo ay arrintan kaga hadashay iyadoo ku sugan waddanka faransiiska.
S.D.N