XAQSOOR MA ANAA KA HADHAY?
XAQSOOR mabda’ baan ugu xishay. Daryeelka dacalladaan ku raacay. Kala-lulashada, dheelitir baa ka roon baan is idhi. Dalka dawadiisa la hel baan is idhi! Dantu waa Xaqsoor baan is idhi. Hamow been baa la yidhi!
Doorashadii 2012ka waa mur iyo deebaaq la odhay. Sinnaani waa timo-sacab la yidhi. Sabaalaynta Xaqsoor la badi!
Runi, run tagtay. Gobaad caanaheeda, gaawaha rag baa u sida. Qudhqudhada rag bay iska leh. Cantuuggada rag baa gaya. Dacallada haddaan nahay, kabashada ka caaganin. Sacabna waa lanaga sugi! Safrati baan ku heesnaa! Furunkana qalayl-cunis, shiilimaadka sararaha, uduggaad ku dhuuqnaa!
Xoor dhan oo ku ciidami, dar Allee ma daw baa?
Xaqsoorkii danta ahaa, dadku uma bisayl qabin. Waa siday yidhaahdeen! Raqda ururradii hadhay, KULIMYAA ku doogsaday wadahadal-ku-sheeggii. Xaqsoor bililiqays noqay. Baalalkii galbeed bari, rifan lisan ayaa helay. UCID jeeni baa tagey. WADDANiga lug baa gashay. Wixii qaar-dambeed hadhay, KULMIYEY dan moodeen. “Dani seeto” noqotoo, galbis iyo mashaxarad baa maanta iilka lagu dhigay!
Siyaasadda Somaliland: tolkay daranyuu qabaa. Hagarta, dabadaan ku naal. Hashaa Somaliland, afartaba dab-saarkood dan maxay ku seegaan?
Xaqsoor ma anaa ku hadhay? Jawaabteed waxaan ka odhan: Hamow beeneey Xaqsoor, sinnaanba haddaan la rabin, “dibay dabadeed” ka idhi!
WQ Prof Hared Odah