|

Taliye Fadal Oo Ka Hadlay Sarkaal La Sheegay In Hargeysa Lagu Toogtay Iyo Wariyayaal Muddo Xidhan

Hargeysa:-7-Dec-2013(SDN)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa  markii ugu horraysay ka Hadlay Sarkaal ka tirsan ciidanka amaanka somaliland oo warbaahinta qaarkeed sheegeen in Hargeysa lagu dilay.

fadalTaliyaha oo shalay waraysi siinayey qaar ka mid warbaahinta Somaliland, ayaa tilmaamay inaanay hore warbaahintu caado ugu lahayn inay ciidanka ka Baahiso warar been abuur ah oo aan xaqiiqda ku  salaysnayn.

“ warka la xidhiidha dilka sarkaalka ka tirsan SPU-du waa mid aan sal lahayn mana jiro cid hargeysa Lagu Toogtay.waa inay saxaafaddu xil isa saarta oo wixii bulshada iska horkeenaya ama been abuura iska ilaalisa.Waxa kale oo aanay waxba ka jirin Warka Wargeyska Hubaal ku soo baxay ee ciwaankiisu ahaa “Taliye Fadal oo soo jeediyey in askartu ku wisiisiyaan Weriyaha ay arkaan”,kaas oo ah inuu Wageyska Hubaal ku doonayo inuu isku-kaayo diro aniga iyo Saxaafada Somaliland oo uu xidhiidh wanaagsani naga dhaxeeyo,markaa waxaan leeyahay Saxaafada Somaliland waxaan u hayaa qadarin iyo ixtiraam,weliba aniga oo ku tixgelinaya shaqada ay qaranka u hayaan, warka la sheegayo”. Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay Hawl-gallo ballaadhan oo ciidanka ammaanku ka samaynayeen Xaafado ka tirsan Hargeysa,, kuwaas oo uu ku sheegay shaqadii ciidanka ee Caadiga ahayd.

Waxa kale oo uu Taliye Fadal  oo ka hadlay Xadhiga koox Suxufiyin ah oo  muddo toddobaad ku dhaw ku xidhan Hargeysa, ayaa sheegay in kooxdaasi ay sameeyeen Mudaharaad sharcidarro ah oo aanay Ogolaansho u haysanin.

Ugu dambayntii taliye Fadal ayaa tilmaamay inay ciidanka Boolisku dagaal la geli doonaan ciddii sharciga ka hor timaadda, isagoo tusaale u soo qaatay wariyayaasha xidhan oo uu sheegay inay sharciga waddanka jabiyeen.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed