|

“heshiiskani ma-gafayaal Buu lahaa iskaaya Hortaagay oo Xaafaddeena ka soo jeeda, haddii ay wasiirro tahay iyo haddii ay xildhibaano tahayba” Qabo

Hargeysa:06-Dec-2013 (SDN)-Maxamed Ibraahim Qabo oo  Ka mid ahaa Xubnihii Miisaanka lahaa ee maalintii shalay ku Biiray Xisbiga Kulmiye, ayaa ka hadlay Caqabadihii ka hor yimi xilligii ay heshiiskan dhiraadhirinayeen.

qaboMaxamed Ibraahim waxa uu  ugu horrayn ku Gooddiyey in ay Adag tahay in Xisbiga Kulmiye Xaqsoor la’aantii uu horumar  sameeyaa, waxana uu tilmaamay inuu Xaqsoor yahay Ruuxdii dhaqaajinayey Kulmiye,

“reer Xaqsoorow in badan baynu soo soconay oo soo turunturroonaynay, maantana halkii aynu u soconay waxaynu isla garanay inaynu la midowno xisbigiinii hore ee Kulmiye. Kulmiye waxa uu ka koobnaa Jidh iyo Naf, Beryahan waxa joogay Jidhkii waxana ka maqnayd Naftii ama ruuxdii oo Reer Xaqsoor ahaa, maanta laga bilaabana ruuxdii baa gashay Kulmiye.” Ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Qabo oo  ahaa sarkaal ka tirsan Ururkii xaqsoor.

Maxamed Ibraahim qabo ayaa carrabka si cad ugu dhuftay inay jireen wasiirro iyo Xildhibaano reer Axmed Dhagax ah oo dagaal ka galay in Xisbiga kulmiye iyo Xaqsoor heshiiyaan, islamarkaana ku  faraxsan in labada dhinac fadqalalo dhex marto, waxana uu yidhi, “heshiiskani jaranjarrooyin badan buu lahaa, ma-gafayaal Buu lahaa iskaaya Hortaagay oo Xaafaddeena ka soo jeeda,  haddii ay wasiirro tahay iyo haddii ay xildhibaano tahayba, Isbeddelbaana iman doona oo waynu ka raysan doonaa, Hadii ay xukuumadda tahay iyo Haddii ay xisbiga tahayba ku bushaaraysta reer Axmed Dhagaxow dhiig cusub baa iman doonee.”

Hadalkan uu ku dhawaaqay Maxamed Ibraahim qabo, ayaa loo fahmay inuu ula jeedo wasiirrada Reer Axmed Dhagax kaga jira Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo  iyagu dagaal adag ka galay heshiiskan labada dhinac dhex maray, maadaama ay aaminsan yihiin in cidda soo socotaa Boosaskooda duullaan ku tahay.

Wasiirrada Dagaalka cad ku qaaday Hoggaanka xaqsoor ee meesha adag iska taxagay in isu yimaaddo, ayaa waxa kaw ka ah Wasiirka Wasaaradda caddaalada Xuseen Axmed Caydiid oo  isagu tan iyo intii xukuumaddani jirtey ahaa wasiir Buuxa, waxana uu si adag uga hor  yimi waan-waantii iyo wada hadalkii lala galay Garabkan haatan Kulmiye ku biiray.

Xuseen Axmed Caydiid oo inta badan ku caan ah qallafsanaan iyo Ad adayg siyaasadeed, ayaa haatan qaba warwar iyo walbahaar la xidhiidha  suurtagalnimada in xilkiisa wasiirnime uu ku waayi karo xubnahan cusub ee haatan xisbiga la bohoobay, waxana taasi ay keentay inay toos iskaga horyimadaan Maxamed Ibraahim oo isagu aan madaxaba uga duwin Dagaalkii uu la galay, isla-markaana ku tilmaamay Ma-gafe.

Heshiiska xukuumaddu la gashay garabkan cusub ee  haatan ku soo Biiray oo aan saxaafadda loo soo Bandhigin, ayaa haddana ay suurtogal tahay inay jiraan Mansabyo wasiirnimo oo xubnahan laga siin doono Xukuumadda dhexdeeda iyo waliba Mansabyo kale oo ay ka heli doonaan xisbiga Kulmiye Dhexdiisa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed