Xildhibaan Ibraahim Kacaan Oo Jawaab Dheddig-nimo ah Ka Bixiyey Tallaabadii Xukuumaddu Gabiley Kaga Celisay Madaxda UCID
Hargeysa:06-Dec-2013(SDN)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (kacaan) ayaa jawaab aan qaan-gaadh ahayn ka Bixiyey Tacaddigii ay xukuumaddu dhawaan Madaxda Xisbiga Ucid kaga Hor istaagtay Gelitaanka Magaalada Gabiley oo uu Xildhibaanku ka soo jeedo.
Xildhibaan Ibraahim Kacaan oo ka mid ah xubnaha xilligan ee la safan Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa mar uu shalay ka hadlayey munaasibad Xisbigu ku soo dhaweynayey Garab ka mid ah Urur-siyaasadeedkii Xaqsoor, waxa uu carrabaabay Taageero aan meel lagu sheegay la arag oo uu sheegay in shacabka Reer Gabiley u hayaan Marwada Madaxweynaha.
“Dadka reer Gabiley waxay caddeeyeen inay Taageersan yihiin Marwada Madaxweynaha, sidaas Darteed, Oggolaan mayno inay Noqoto Madal ama Yool Lagu aflegaadeeyo Haldoorka umadda, dadka reer Gabileyna way caddeeyeen.” Ayuu yidhi xildhibaan Ibraahim kacaan.
Ibraahim Kacaan ayaa sidoo kale ku dhawaaqay kalmado kale oo u muuqda qaar nusqaan ku ah Sucadda Gobolka Gabiley, isagoo ku tiraabay erayo uu ku muujinayo inaanay Gabiley Ku habboonayn in lagu tartamo, waxana uu yidhi, “Ninkii Doonaya inuu Tartamow Meelaha Munaasibka ah ku Tartan, gabileyna Daaqad laga soo Geli maayee Albaab baa laga soo gelayaa, cidda noo imanaysaa ha noqoto cid waxtarka Gabiley wax nagala qabata, cid aan madaxda qaranka wax yeelayn ciddii wax yeelaysaana Ha naga Maqnaato.”
Xildhibaan Ibraahim oo muddo ku soo jirey xisbiga Kulmiye, ayaa jawaabta uu tallaabada xukuumaddu qaaday ka bixiyey u muuqataa mid Jar iska-xoornimo ah oo uu kaliya uga dan lahaa inuu Marwada Madaxweynaha oo meesha ku sugnayd Raali ahaanshaheeda ku helayey, maadaama ay hadalkiisa si dhug leh u maqlaysay.
Tallaabadii ay xukuumaddu Madaxda Xisbiga Ucid kaga hor istaagtay Magaalada Gabiley, ayaa laga cambaareeyey meelo badan oo dalka ka mid ah, waxana ay muujisay in hannaanka maamul ee haatan waddanka ka jiraa uu xilli kasta qaadi karo tallaabooyin halbawlaha jari kara qaranimada iyo wada jirka somaliland.
S.D.N