|

Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Shalay Oo Loo Baajiyey Soo Dhweynta Reer Xaqsoor Oo Marwadu Ka Qayb-gelaysay

Hargeysa,:06-Dec-2013(SDN)-Shirkii Toddobaadlaha ahaa ee Madaxweynuhu Toddobaad kasta Maalinta Khamiista Golihiisa Wasiirrada kula yeelan jirey xaruntiisa Madaxtooyada ayaa Maalintii shalay Loo Baajiyey Munaasibad  Lagu soo Dhaweynayey Hormo ka mid ah Urur-siyaasadeedii Xaqsoor.

wasiirro somMunaasibadda  Lagu soo dhaweynayey Xubno ka mid ah  ururkii xaqsoor iyo Taageerayaashooda, ayaa waxa Gadh-wadeenka ka ahaa Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo        Aamina Waris oo ay wehelinayeen Xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo  Hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye.

Shirka oo  markiisa horeba ahaa mid aan Bulshada looga sanqadhin jirin waxyaabaha lagaga wada hadlo, ayaa shalay loo baajiyey munaasibaddan lagu soo dhaweynayey garabka ka tirsan ururkii Xaqsoor, maadaama  tiro badan oo ka tirsan Golaha wasiirradu ay soo camireen  goobta soo dhaweyntu ka dhacayey oo ay marwaduna ka soo xaadirtay.

Wasiirrada iyagu qabsoomidda shirka  khamiislaha ah ka door biday inay Marwada u raacaan Munaasibadda lagu soo dhaweynayey Garabka Reer Xaqsoor, ayaa  ka mid ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Ciyaaraha, Beeraha, Caddaaladda, Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka, Waxbarashada, xannaanada xolaha diinta iyo Wasiir ku xigeenada wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Gudaha.

Tirada wasiirrada ah ee  munaasibaddan u soo raacay Marwada qaranka, ayaa  sabab u noqday in shirkii Golaha wasiirradu meesha ka baxo, iyadoo aanay xukuumaddu  xusin sabab kale oo shirka loo baajiyey, maadaama aan markii horeba shirka natiijadiisu la soo dhaafin jirin kadinka madaxtooyada.

Wasiirradan oo qaar ka mid ahi halkaas ka hadleen ayaa ku soo dhaweeyey xisbiga Kulmiye Garabka ku soo Biiray, iyadoo wasiirro iyo xildhibaano Munsaasibaddaas ka sheegeen inay ka soo horjeedaan Doodaha qaran ee Axsaabtu ku dhawaaqeen, iyagoo si gaar ah u difaacay Eedo dhawaanahan Haweenka Madaxtooyada ka Ag dhaw loo soo jeedinayey.

Wasiirka wasaaradda  Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal  oo halkaasi ka hadlay ayaa isagu hadalkiisa  ku sal gooyey Eedo uu mucaaridka huwiyey, waxana uu guud ahaanba dacal ka dhaafay Soo Dhaweyntii goobta loo yimi iyo erayadii ku haboonaa.

Munaasibadda oo ahayd mid ay si aad ah usoo camireen Wasiirro, xildhibaano iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa ay wehelinayeen qaar ka mid ah Aasaasayaashii Urur-siyaasadeedkii Xaqsoor, waxana ka jirey guux ay in badan muujiyeen dhallinyaro goobta la keenay oo ka biyo diiddanaa Hannaankii wax u socdeen taas oo keentay inaan Marwada wax hadal ah laga siinin goobta, maadaama uu waxoogaa yooyootan ahi jirey.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed