Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada London
London 05.Dec 2013(SDN)Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey maagalo maxadaxda dalka Ingriiska ee London ka dib markii Wasiir Warancade iyo Wasiirada Arimaha Dibada iyo Macdanta iyo Biyuhu si wada jira marti qaad uga heleen dawlada Ingriiska kooxdan wasiirada ah oo uu ugu danbeeyey Wasiir Warancade ayaa waxay halkaasi u tageen sidii kor looguu qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada Wadan Ee Somaliland iyo UK
Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade waxa si mug iyo miisanle ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaraha Ee HEATHROU AIRPORT Safiirka Somaliland Ee Dalkaasi UK iyo Qurbajoog aad u tiro badan kuwaasoo dhamaan ku labisnaa astaanta Qaranka Somaliland
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com