Golaha Wasiirada ee Somalia oo Taageeray Go’aankii Baarlamanka ee Kalsooni kala noqoshada Xukuumada
Muqdisho 05.Nov 2013 (SDN)-Kulan gaar ah oo maanta ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirada Xukuumadda ee dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya Kalsoonida kala laabtay oo uu shir guddoominayey Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga dooday go’aankii Barlamaanka Soomaaliya uu Kalsoonida kala laabtay Xukuumaddii howsha fulinta heysay.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo kulankaasi ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay go’aankii golaha shacabka Soomaaliyeed uu Kalsoonida kala noqday Xukuumaddii uu hoggaaminayey, islamarkaana uu u hoggaansan yahay si danta Umadda Soomaaliyeed loogu hiiliyo.
Ugu dambeytii ayuu Ra’iisul wasaare ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey garab istaagii mudadii sannadka aheyd ee ay Xukuumadddiisa shaqada waday, isagoo dhanka kale ku taliyey in Xukuumadda dalka uu yeelan doono ay wadanka u horseedo degnaansho iyo hiigsiga Soomaaliya ay leedahay 2016-ka.
Dhawaan ayaa laga war dhowrayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu soo magcaabo Ra’iisul wasaare cusub, si uu Ra’iisul wasaarahaasi u soo dhiso Xukuumad la timaada howl ka duwan Xukuumadihii dalka soo maray, si Soomaaliya ay hammigeeda ugu guuleysato.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com