|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Canbaareeyay Qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso

Muqdisho 05.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-300x200Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay qaraxa oo ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ay ku guul-darraysteen dagaalkii ay wadeen, ayna haatan u weeciyeen dadaalladooda sidii ay u waxyeelleyn lahaayeen shacabka Soomaalida ee aan waxba galabsan.

Wuxuu sheegay inay ka guuleysan doonaan argagaxisada Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dowladda kala shaqeeyaan sidii loo soo af-jari lahaa jiritaanka argagaxisada.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa isna si kulul u cambaareeyay weerarka oo galaaftay nolosha toddobo qof oo isugu jiray askar iyo dad rayid ah.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed