Xisbiyada Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani oo Eedaymo Culus u soo jeediyay Maamulka Madaxweyne Siilaanyo
Borama 5.Dec 2013 (SDN)- Kulan balaadhan oo ay isku yimaadeen labada xisbi mucaaradka ee Ucid Iyo WADDANI ayaa maanta ka dhacay Hotel Haldoor ee Magaalada Boorama kulan oo xanbaarsanaa laba ujeedo oo kala ahaa canbaarayn loo soo jeediyay xukuumada Axmed Siilaanyo ka horjoosashadii maalintii shalay ay ka horjoogsadeen mas’uuliyiintii xisbiga UCID ee booqashada ku iman lahaa magaalada Gabiley iyo taageerida dooda qaran ee ay xisbiyada Mucaaradka ahi horey ugu baaqeen.
Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer degmo iyo taageerayaasha labadan xisbi ayaa waxaa halkaas hadalo dhaadheer ka soo jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Abdikariim Muuse Maal ,Sahra Aw Cilmi Mahamuud ,Xildhibaan mahamed mumin adan Kacab oo ka tirsanaa dhinaca Xisbiga WADDANI Iyo Omar Dahir CilmiNaasir cabdoo cumar ,sheekh daahir barkhad oo iyagna ahaa mas’uuliyiin ka socotay xisbiga kale ee mucaaradka UCID
Mas’uuliyiintan ayaa si wayn ugu dhaliilay cago juglaynta iyo cabudhinta ay xukuumadanin Axmed Siilaanyo ay ku sheegeen in ay dhabadii kalitalisnimada saartay ayna taagan tahay halkii uu ku jabay xukuumadii Siyaad barre ee kaligii taliska ahaa, waxa kale oo ay ugu baaqeen Xukkuumada Axmed Siilaanyo in ay hoos u eegto shuruucda u yaala xisbiyada qaranka taas oo ay sheegeen in ay la mid yihiin xisbiga hada talada haya uuna dastuurku wax badan siiyay.
Dhanka kale mas’uuliyiintan ayaa shirkooda jaraa’id si wayn ugu taageeray dooda qaran ee ay xisbiyada mucaaradka ahi dhawaan ku dhawaaqeen laguna rajowaynyahay in uu dhawaan qabsoomo iyaga oo sheegay ka gobol ahaan ay u gogol xaadhayaan sidii shirkaas loogu qaban lahaa magaalada Boorama oo ah xaruntii ama hooyadii Somaliland.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com