Ceebta Dul Hoganaysa Tvga Qaranka Waa in Maareeyaha dibad wareega ahi Mas’uuliyadeeda qaado
Tv-ga Qaranku ayaan Daranaa, Nin aan ogeynba in loo soo dhintey dalkan iyo lacagtan uu siduu doono ugu jawr falayo, Nin aan ogeyn in cadaalad-daradu tahay wixii laga dagaalamey, Nin hor ilaahay Tagsiile uga ahaa London oo aan lahayn aqoon xataa madani ah, cidduu doono wuu eryaa, ciduu doono gunadaan kaa jarey buu yidhaa, intii doonayana wuu u badiyaa, badhna isagaaba maamusha .
Intaas oo dhan oo jirta hadana wuxuu shaqaalaha ku qasbey in damiino ahaadaan oo ay ka indha la’aadaan waxa uu madax iyo mijo u rogey ee maamul, khadar cali gaas waxa maareeye looga dhigey Tv-ga sanad iyo wax yar ka hor, muddadaas waxa uu maamul xumo iyo cadaalad daro iyo musuqmaasuq ka sameeyey TV-ga waxay ka muuqataa odhaahyada karaahiyada huwan ee madaxda iyo shaqaalaha TV-ga, oo waayey cid uga hiilisa maamul noocan u dhaqma oo maskaxdoodu qaadi kari weydey, imika markii wasiir cukuse oo lix bilood daawanayey sida loo wado shaqada waxa uu ka xamil gabay inuu sii sugo mahadhooyin kale oo ugu darsama intii uu arkayey, waxaanu talaabo uu ku toosinayo shaqada ka bilaabay TV-ga iyo guud ahaan wasarada warfaafinta marka ay halkaa mareyso ayaa ninkii dharqanayey weli sii hadlayaa oo kolba wasiir Samsam cabdi aadan iyo odayaal uu u kaxaysanayaa madaxtooyada, caku aqoon la’aan, caku maamul la’aan, caku karaamo la’aan, miyaan laga koreyn waa wasaaradii warfaafinta madaxdeedii haday wasiir tahay, wasiir kuxigeen, agaasime guud iyo khadar cali gaas oo kaliya oo intaasiba ka soo horjeedaan hagardaamada maamul ee Tv-ga ka soo if baxdey, wadar iyo waaxid iyamaa waalan? shalay ayey ahayd sheekadii aqoonyahanka boobe iyo suxufiga waayo araga xuseen c/lahi deeqsi loo sadqeeyey caydi khadar kow ka ahaa, waxaan ku gabagebeynayaa yaan wax loo dhimin maamulka dawladnimo, qof waxkasta xumeeyey oo baabiiyey hay’ad iyadoo dhisan uu la wareegey oo manta uu gacantiisa ku burburiyey maxaa loo dhageysanayaa, aan ka fogaano inuu xumaado dhaxalka maamul ee jiilalka soo socda.
Taariikhdu dadkay bartaa dunida waayaheedaa.
Yasin maxamed kaafi
Berbera