|

Wasiirka Warfaafinta oo Madaxweyne Siilaanyo ruqsad u siiyay inuu Magacaabo Agaasime Waaxeed Cusub oo Tv qaranka ah iyo Hawlwadeenada Wasaarada Warfafinta Oo Ku Tilmaamay Talaabo lagag Fujinayo Dulmi Mudo Dheer haystay

Hargeisa 04.Dec 2013 (SDN)- Iyadoo  Ay Wax Yari Ka soo Wareegeen Wakhti Uu Wasiirka wasaarada warfaafinta Jsl Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse  ka Joojiyay Shaqadii Uu Qaranka U Hayay maareeyihii Tvga Qaranka ,kaasi oo uu madaxwaynaha Jsl Md Axmed Maxamed maxmauud Siilaayo magacaabay Kadib markii Wasaarada warfaafinta Oo uu Ku Jiro Tvga Qaranka Uu ka Dilaacay Musuq Maasuq Balaadhan oo ay Shaqalaha Wasaaradada La Dulmiyay , Intas Wixii ka dambeeyay Madaxwaynaha Jsl Ayaa magacaabay Maareeyaha Tvga Qaranka  Si Looga Nasto Xanta Ku socota Ee ah Musuq Maasuqa Qaybta Tvga Hadheeyay .

Cukuse2Wakhtigaasi oo Xilka Wasiir Nimo Laga Qaaday  Wasiirkii hore Ee Wasaarada Warfaafinta Jsl Md Boobe Yuusuf Ducale Oo Siyaasad ahaan Ay Is fahmi Waayeen madaxtooyada Jsl Iyo Agaasimayaasha Wasaradiisa ,taasi Oo Laga Badala isaga Xilkii Wasaarada warfaafintana Loo magacaabay Wasiirka Wasarada warfaafinta Abiib Diiriye Nuux Isla markaan Tvga Laga Madaxbanaaneeyo Wasaarada Inteeda Kale .

Khilaafyo soo noq-noqday oo ay kala dhaxleen dhawr wasiir oo soo maray Wasaaradda Warfaafinta , ayaa sababay in Madaxweyne Md Axmed Maxamed Maxamuud  Silaanyo Dikreeto ku magacaabo  Mareeyaha Tv-ga  Qaranka, taasoo summaddeedu ahayd. JSL./M/XERM/249-1288/082012,  laguna soo saaray xeer .Taasi oo Uu Madaxwaynaha Jsl uu Filayay In Lagaga nasan doono  khilafka Wasaarada warfaafinta Gaar ahaa Qaybta Tvga,Laakiin Ma Mahadin Shaqaale waynaha Wasarada warfaafinta Talaabada Waxanay Ku noqotay Inay Gud Madaw biyo Ugu Galeen,Laakiinse  Muu Joogsan Musuq Maasuqii ragaadiyay  Tvga Qaranka, Mar kale waxay sabab u noqotay in Madaxweynuhu dib u holodo Magacaabista Xubno Wasiiro ah Sida Wasiirka haatan gacanta ku haya Wasaaradaasi Mudane  C.laahi Maxamed Daahir Cukuse , Wasiirka wasarada warfaafin Md Cukuse Waxa uu U  Mudadii uu Xilka Wasaaradan Maamulayay uu u kuurgalay Inuu Ogaado sida ay u shaqayso Wasarada warfaafinta Gaar ahaa Qaybta Tvga Isagoo Eegaya Qalabka Warbaahineed Ee Wasarada iyo Sida Uu ugu Filayay Wasaarada,Sidoo kale waxa uu indho gaar ah ku hayay  Dulmiga Xaga Mushaharaadka iyo Gunooyinka Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta ,Taasina waxay  keentay in Wasiirku Magacaabo Shan Xubnood oo ka Mid ah Waaxyaha Wasaarada una Xilsaaray inay  Qiimayn Sugan ku soo Sameeyaan duruufaha Shaqaalaha iyo is waafajinta Mushahaarooyinkooda.

Waxana Dad badan oo aan shaqada garanayn Gacanta Tvga U soo galiyay Maareyaha Tvga Oo Isagu ahaa Qurbejoog Dibada Ku Noolaa Isla markaan Nolosha Kaga Dhacay ,

Isku soo Wada duuboo Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu habeenkii xalay ahaa isasoo hor fadhiisiyay labada masuul ee Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas iyo Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Madaxweyaha ayaa Waxa uu dhagaystay warbixinta Wasiirka Warfaafinta Somaliland uu ku durayo musuqa iyo waliba wax isdaba marinta ka jirta Telefishanka Qaranka, balse Waxa ay wararku sheegayaan in uu Maareeyaha Telefishanka Qaranku soo rogan Waayay hadalka, isla markaana iska difaaci kari waayay Weerarka Wasiirkiisa Wasaaradaasi,iyo Ku cadaynta Waxa Uu Indhihiisa Ku soo Arkay Wasiirka wasaradu.

Madaxweynaha ayaa si dhab ah uga madax ruxay waxyaabaha uu soo bandhigay Wasiir Cukuse, waxaana la isla qaatay in Hanti-dhawrku ay hawshooda halkaasi ka sii wadaan,Warku Waxa uu intaas ku darayaa in Madaxweynuhu  ku wargaliyay Wasiirkiisa Warfaafinta in Marka Baadhistu soo Xidhanto uu Magacaabi doono Maareeyaha Cusub oo Noqon doona Agaasime Waaxeed ka Mid ah Wasaarada Warfaafinta Isla markaana uu Tirtiri doono Xeerkii uu hore u soo saaray,Maadaama uu xal u noqon waayay Mushkilada ka Aloosan Wasaarada Warfaafinta.

Waxyaabaha uu Wasiir Cukuse doodiisa u Cuskaday waxaa ka Mid ah in Maaraayuhu Mudadii uu Joogay uu hab Qaraabo Kiil ah u hawl geliyay Shaqaale badan oo ka Mushahar badan kuwii hore u joogay,halka sidoo kalena uu dhaqaale xoogan ku qaadan jiray Xafiiska London ee Tv Qaranka oo ay Jaaliyada Somaliland ee Magaaladaas ku dhaqani ay bixiyaan Qalabaynta Sannadlaha ah iyo Kirada Xafiiskaas,Waxaa kale oo dooda Wasiirka ka mid ahaa inuu Maareeyuhu ka Mas’uul ahaa in laga Guuro Satellite-kii uu Tvgu hore ugu Jiray,Isla markaana uu u raray Mid dhaqaale ahaan iyo Farsamaba ka Liita
Si kastaba ha ahaatee hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo dhaweeyay talaabadan, waxaanay ku tilmaameen mid lagaga fujinayo dulmi badan oo ay muddo dheer tirsanayeen ,Isla markaan mar Uun naawilayeen Inay Helaan Qof Ilahay garanaya Oo U Cadaalada Fala.

“Walaahi waa talaabo fiican aniga iyo inta kale ee ila midka ahibana waanu soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo ka gaabsaday in Magaciisa La Sheego, Waxanu Intasi Sii Raaciyay Inay Ku Faraxsanyihiin talaabada Cudoon Ee uu Wasiirka Wasarada Warfaafintu Ugu Cadaalad Falayo ,Shaqaale waynaha Wasarada warfaafinta ayaa waxay u taaganyihiin U hagar bixida Qaranka Iyo Soo Tabinta wararka iyo barnaamijyada Dalkeena ka waramaya kana hadlaya waxa soo saarka Dalkena

Isku soo wada duubo wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ay ka hawl-galaan dad ku dhaw 300 oo joogto ah halka qolada ku meel gaadhka ahina ay ku dhaw yihiin 200, ayaa la filayaa in ay cadaalad u helaan hawlaha ay qaranka u hayaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed