“Xisbiga Waddani oo Meel adag iska Taagay Cabudhinta Saxaafada,iyo Hakinta Socdaalka Madaxda Xisbiga Ucid ay ku tagayeen Gobolka Gebilay” {DHAGAYSO}
Hargaysa 04.Dec 2013 (SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag u Canbaareeyay Maanta falalka ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo kula Kacday Saxafiyiin Maalintii Shalay u Muujinayay Banaan bax Salmi ah oo ay kaga soo Horjeedaan Gabood falkii lagula Kacay Wargayska Hubaal.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbigaas Mudane Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbigaas Mudane Maxamed Xasan Dirir ayaa Sidoo kale Waxay ka Gilgisheen habdhaqanka ugubka ku ah hanaanka Xisbiyada Somaliland ee loo gaystay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen kadib markii ay Dawladu ka horjoogsatay Socdaal Shaqo oo isaga iyo madax kale oo Xisbigaas ka tirsani ay saaka ku tagayeen Magaalada Gebilay isla markaana laga soo celiyay Deegaanka Caabudla.
Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadaladii Xisbiga Waddani
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XisbigaWadani4dec.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com