Dawlada Maryekanka oo walaac ka muujisay suxufiyad Muqdisho lagu kufsaday oo xabsiga la dhigay
Washington Nov 27,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa walaac ka muujisay xariga Muqdisho loogu geystay Gabar la kufsaday iyo suxufi wareystay iyo maamule iddacad kufsiga laga baahiyay oo xabsiga la dhigay.
“Xarigani waxa uu sare u qaadayaa suaalaha ku xeeran ilaalinta dhibeneyaasha colaada ka dhanka ah Haweenka iyo xoriyada saxaafada”sidaa waxa yiri afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda qeybteeda Africa Will Stevens.
“Waxaanu ugu baaqeynaa Masuuliyiinta Soomaaliya in ay kufsigan ku sameeyaan baaritaano loo qaateen ah ayna shariga horkeenaan cidii ka danbeysay,iyada oo laga duulaya sida dawladu uga go’an tahay kala danbeynta”ayuu yiri Stevens.
gabadha la kufsaday oo suxuufiyada ayaa waxa ay ku eedeysay weriye ka hawlgala warbaahinta Dawlada in uu kufsaday.
Weriye Maxamed Bashiir Xaashi oo gabadha la kufsaday wareystay iyo maamulaha iddaacada Shabeella ayaa dawlada Soomaaliya xabsiga dhigtay.
Ururada udooda xuquuqaha saxaafada iyo Qaramada Midoobey ayaa hore dawlada Soomaaliya ugu baaqay in ay xabsiga ka sii deyso sadexdan ruux.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com