Afar Ka Mid ah Guddida Qaban Qaabada Soo Dhaweynta Guddoomiyaha Waddani iyo Gaadhi Ay Wateen Oo Xalay Xabsiga Lagu Guray
Hargeysa:27-Nov-2013(SDN)- Sida ay Noo Xaqiijiyeen Saraakiil Sare oo xisbiga waddani ka tirsani, waxa Xalay Fiidkii Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa lagu Xidhay Afar xubnood ka tirsan Guddi uu Xisbigaasi u xilsaaray Soo Dhweynta Guddoomahooda.
Afartan Nin ayaa sidoo kale lala xidhay Gaadhi ay wateen, kaas oo ay saarnayd Sameecad ay Taageerayaashooda iyo shacabka kale ee Reer Somaliland-ba ugu sheegayeen inay Berri si weyn ugu soo Baxaan Soo Dhaweynta Guddoomiyaha Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Cabdirxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro.)
Raggan Xalay la xidhay ayaa la sheegay in muddo saacado ah Ciidanka Boolisku ku dabo jireen, islamarkaan markii uu marayey Gaadhigu saldhiga dhexe agtiisa ciidan aad u hubaysani isku wareejiyeen kuna xidheen Saldhigga dhexe ee Hargeysa.
Ciidanka Booliska oo aanu isku Daynay inaanu arrintan xadhigga wax ka weydiino ayaa ka Gaabsaday, waxase loo malaynayaa inuu yahay amar ka yimi xagga sare oo lagu amray inaan la ogolayn dhaqdhaqaaqa Guddoomiyaha.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa ayaamahanba waxa Xukuumadda kaga socday dagaal gaadhay inay usoo Abaabusho Xildhibaano ku andacooda inay joojiyeen isku shaandhayn uu sameeyey oo uu aweedeedda leeyahay, waxana haatan jira ku talogal ah in dagaal dhinacyo badan leh lagu qaaddo.
Guddoomiye cirro aan mooganayn dagaalkan lagu hayo, ayaa maanta la filayaa in waddanka si weyn loogu soo dhaweeyo, waxana uu isaga qudhiisu haatanba ku mashquulsan yahay siduu uu hilifaha ugu laabi lahaa Xukuumaddan xadhkaha kusoo goosatay ee adeegsanaysa Xildhibaanada madaxtooyada ku xidhan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com