“arrintii Guddoomiye Saleebaan xisbiga kulmiye Dhexdiisa ka waday waxay u egtahay inay Reernimo ka Daarran tahay, laakiin waxa wanaagsanayd in Golaha lagaga doodo oo……..” maxamed Xaashi
Hargeysa:27-Nov-2013(SDN)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa si kulul u weeraray Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo iyo Waliba Hab-dhaqanka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Maxamed Xaashi oo ka Hadlayey Madal ay shalay Madasha wada-tashiga oo uu Xubin ka yahay ku qabteen Shir jaraa’id, ayaa Dhaliilay Faro-gellinta ay xukuumaddu ku bilowday Golaha Baarlamaanka, waxana uu si Mug leh u sharaxay Sida ay shaqooyinka Barlamaanka iyo Hay’adaha kale ee waddanku u yihiin kuwo is dheeli tiraya, “qolada Baarlamaanka ee Doodihii berigii dhaweyd sida wanaagsan uga hadlay,, waanu ku taageeraynaa, Dawladduna farogelin badan bay ku haysaa Baarlamaanka. Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorku waa Saddex Dhardhaar oo isu dheeli tiran inay arrimahooda midina midda kale faro geliso ma ah, laakiin waxa d mooddaa inay Xukuumaddu gacan-haadis iyo u yeedh-yeedhad iyo dhibaato badan ay ku hayso Baarlamaanka, markaa waxanu dawladda leenahay hawshiina inaad ku keetaan Baa wanaagsan.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Mujaahid Maxamed Xaashi ayaa sidoo tilmaamay sida uu waayadan dambe Guddoomiyihii Guurtidu Xadhkaha u goostay ee uu shaqadii Sharafta lahayd ee Guurtinimo ula Baydhay Hab Caadifadaysan oo aanu Daw u lahayn, ugana Talo Goostay Xubnihii kale ee Golaha, waxana uu yidhi, “Baarlamaanku waa labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada. Mid waliba waxa uu leeyahay shaqo u gaar ah. Guurtidu Nabadaynta, dhexdhexaadinta iyo wax ka qabashada wixii khilaaf ah ayey shaqadoodu tahay, waxana uu Guddoomiyuhu la Gole yimaaddaan wax jamac oo ay ka doodaan Go’aanna ka soo gaadheen, laakiin ma aha inn Guddoomiyuhu intuu Tuurta ku rito yidhaahdo Niman is haya ayaan dhex dhexaadinayaa waayo intii kale kama uu dhigin inay xil la wadaagaan, Markaa arrintii xisbiga kulmiye Dhexdiisa waxay u egtahay inay Reernimo ka Daarran tahay, laakiin waxa wanaagsanayd in Golaha lagaga doodo oo laga wada Hadlo oo la yidhaahdo arrintaas maxaynu ku waajahnaa, waliba marka ay Kulmiye soo Codsadaan in Arrintood ay Guurtidu gasho.”
Maxamed Xaashi ayaa sheegay inaan tallaabadaas uu Guddoomiye Saleebaan Qaaday aanay munaasib ku ahayn mansabka uu qaranka u hayo, waxana uu yidhi,“Guddoomiyaha Guurtidu arrintaas uu galay waxay ahayd mid aan u ekayn meeshana qaban ayey ahayd, wixii dambena waxan odhan lahaa yuu u qaadinin inuu xilka Guurita isagu uun leeyahay, waana arrin meel ka dhac ah oo aan u qalmin mansabka uu qaranka u hayo.”
Waxa kale oo uu Mujaahid Maxamed Xaashi sheegay inay Haatan soo Baxeen Xubno Xukuumadda ka tirsan oo Beretan ugu jira Raalligelinta Madaxweynaha, taasina ay keenayso inay Sharciga Baal maraan, isagoo Madaxweynahana Farriin u diray, “xukuumadda qudheeda waxad mooddaa inay u baratamayaan sideed madaxweynaha u raalli gelisaan, wasiirkii Daakhiliga oo mansab weyn o oculus haya waxa uu soo jeediyey inay jiraan rag mucaarid ah oo xamar lacag laga siiyo, taasina waa Eed weyn oo aan Meesha qabanin, wax caddayn ahna uma hayo, Dadkana kama waddanisana, Dadkii Dalkan waddanka u soo halgamay yaa Dalkii Duminaya oo laaluush ka qaadanayaaya ma qabato meesha, Madaxweynahana waxanu Leenahay wasiiradaada Xakamee oo xadkooda Tus. In Arrintaas ficil laga qaatana waanu rajaynaynaa.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com