|

Wasiirka Madaxtooyada oo soo Kormeeray Jidka isku Xidha Hargaysa iyo Berbera {Dhagayso iyo Sawiro}

Hargaysa 26.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Wefti balaadhan iyo Engineer-ada faraha ku haya dhismaha wadada Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa oo maanta boqasho ku tegay wadadaasi oo ay ka socoto shaqo aad u culusi.

Kormeerka Wasiirku ku tegay maanta wada ayaa la xidhiidhay inuu wasiirku goob-joog ka ahaado gunaanadka wejigii u horeeyey dhismaha jidkan dheer ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera iyo inuu wasiirku ka war doono soona arko dhaawacyada  roobabkii dhawaan dalka ka da’a ay u geysteen laamiyada iyaga oo samaysmay dooxyo cusub, taasi oo ay sababtay fatahaada dooxyadu ay sameeyeen markii roobabku hayeen laba habeen iyo laba maalmood, balse ay hay’adda wadooyinka Somaliland dedaal xoogan u gashay sidii ay dooxyadaasi ugu celin lahayd halkii ay markii hore ka soo guureen iyada oo ku samaysay moosas dhaadheer oo aanay biyuhu soo jiidhi karin mar danbe.

Waxa kale oo uu wasiirku amar ku bixiyey in sida ugu dhakhsaha badan looga hawlgalo waxyeelada daadad ku u geysteen laamiyada iyada loona sameeyo biyo mareeno si laamigu u nabadgalo.

Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadaladii Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/xisiWadooyin.mp3″]

IMG_0001 IMG_0027 IMG_0030 IMG_0066 IMG_0070 IMG_0075 IMG_0080 IMG_0083 IMG_0086 IMG_0095 IMG_0097 IMG_0103 IMG_0108 IMG_0112 IMG_0115 IMG_0117 IMG_0121 IMG_0125 IMG_0127 IMG_0132 IMG_0137 IMG_0151 IMG_0155

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed