|

Milicsiga Taariikhda:Madaxda Kulmiye maxey ka yiraahdeen kolkii UDUB iska hortaagtay madaarka Hargeysa

Hargeysa Nov 26,2013(SDN)-Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa haatan buuxisay dhamaan astaamaha munaafaqnimo ee siyasaadoodu ku dhisan tahay ka dib kolkii ay fuliyeen qodob walba oo ay ku caayi jireen xukuumadii ka horeysay ee UDUB.

Waa daabacaadii wargeyska Haatuf ee Hargeysa ka soo baxa iyo cadadiisii July 3,2009 akhri oo dhuux catawga Madaxda Kulmiye ee la iska hortaagay madaarka Hargeysa si ay guddoomiyahoodii xiligaa ee Axmed Siilaanyo u soo dhaweeyaan.

“Ciidamada Bileyska ee Madaarka Hargeysa ayaa shalay ku horjoogsaday Madaxda sar-sare iyo Taageerayaasha xisbiga KULMIYE Albaabka weyn ee laga galo Madaarka Hargeysa, waxaanay u diideen inay madaxdaas iyo taageerayaashuba u gudbaan barxadda gaadiidka la dhigto ee ka soo horeysa Madaarka, kuwaas oo halkaas u tegay si ay u soo dhaweeyaan gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Tallaabadan taageereyaasha KULMIYE loogu diiday inay galaan madaarka Hargeysa ayaa ka cadhaysiisay masuuliyiinta iyo taageerayaashii halkaas tegay, kuwaas oo si kulul u cambaareeyay tallaabadan, waxaanay ku tilmaameen mid badheedh ah oo waxyeelo ku ah curfiga xidhiidhka axsaabta iyo xukuumadda, iyagoo si gaar ah eeddaas ugu jeediyey Taliyaha Bileyska Maxamed Dubad Saqadhi, kaas oo ay ku tilmaameen inaanu ahayn taliye Bileys qaran balse uu yahay qof cid gaar ah u adeega.

Afhayeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, oo saxaafada kula hadlayay duleedka madaarka Hargeysa, halkaasi oo ay taagnaayeen boqolaal ka mid ah taageereyaasha iyo masuuliyiinta xisbigaas ayaa cambaareeyay arrintan, waxaanu yidhi “Sababta naloogu diiday madaarka waa la garanayaa, Xisbiga KULMIYE wuxuu saaxiibadayadan xukuumadda uu ula macaamilaa dad qarankan madax ka ah, waanu ognahay inay dhaqan nabad sugiddeed ay leeyihiin oo waxaanu is lahayn malaha wax baa u kordhay muddadii badnayd ee ay meesha joogeen. Arrinkan maanta halkan ka jira ee naloogu diiday madaarku waa arrin ay siyaasadda dawladu masuul ka tahay Madaxweynaha, Wasiirka Duulista Hawada iyo Taliyaha Ciidanka Bileyska.”

Afhayeenka KULMIYE wuxuu sheegay in maanta (shalay) laga bilaabo aanay aqoosanayn Taliyaha ciidanka Bileyska oo ay ku eedeeyeen in dhaqamo xun-xun oo hore uu ku sameeyay Xisbigaasi, waxaanu yidhi “Taliyaha Ciidanka Bileyska wakhti aad u badan ayay dhaqan xumo aad u badan uu ku sameeyay xisbiga KULMIYE, ragii uu xidh xidhay oo uu ka mid yahay Abshir Axmed Xasan. Waana nin aan ahayn Taliye Bileys, ee waa taliye qof u shaqeeya. Maanta si fiican ayay xukuumadda qadadu uga degaysaa una qayilayaan marka la yidhaahdo qoladii KULMIYE waxa laga celiyay kadinka madaarka, waxaan leeyahay saaxiibayaal waxba nama aydun yeelin, ee idinka ayaa karaamadii ummadda meel ugaga dhacay. Wuxuu taliyaha ciidanka Bileysku ciidanka dhexdiisa ka dhex samaystay ciidan gaar ah oo uu u adeegsado cabudhinta KULMIYE.”

Sidoo kale Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cigge, ayaa isaguna cambaareeyay tallaabadan taageereyaashooda loogu diiday inay galaan madaarka Hargeysa si ay u soo dhaweeyaan Guddoomiyahooda, oo shalay ku soo laabtay dalka.

Mr. Keyse wuxuu sheegay in talaabadani ay sii fogaynayso wada shaqayntii u dhaxaysay xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, oo aanay xisbigoodu wax wada shaqayn ah la yeelan doonin xukuumadda Rayaale.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in saddex cisho ka hor ay Wasiirka Duulista hawada iyo Taliyaha ciidanka Bileyska u qoreen qoraal ay ku wargelinayaan in Khamiista uu imanayo Guddoomiyihii KULMIYE, hase ahaatee waxay ku eedeeyeen masuuliyiintaasi inay dhegaha ka furaysteen qoraalkaasi isla markaana ay taageereyaasha KULMIYE u diideen inay galaan madaarka Hargeysa.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in markii shalay arrintaas loo sheegay inuu Taliyaha Bileyska u sheegay in wixii masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ah loo sii daayo inay galaan madaarka, intaas wixii ka dambaysayna aanu isagu ka warqabin, isagoo taas daba dhigay inay dawladda waajib ku tahay in musharaxiinta Madaxweynaha ay ilaaliso ammaankooda”.

SDN-Hargeysa

contactct@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed