Gabadh reer Norway ah oo Dood midab-takoorka ah dalkaa ka bilowday
Oslo Nov 26,2013(SDN)-Gabadh Soomaaliyeed oo barata culuunta caafimaadka oo ku nool dalka Norway ayaa biloowday dood la xiriirta midab takoor ka jira dalkaasi.
Gabadhan oo la yidhaahdo Warsan Ismaciil oo 23 jir ah ayaa boga Internetka ee Twitter ku baahisay dhacdooyin soo maray iyada Qoyska ay ka dhalatay mudadii ay dalkaasi ku noolaayeen.
Dooda gabadhani ka bilowday Twitter ayaa waxa ay noqotay ta ugu hadal heynta badan ee dalkaasi iyad aoo saxaafad guddaha iyo kuwa caalamkuba ay baahiyeen.
Shacabka reer Norway ee dalkaas ayaa haatan bilaabay in ay dhankooda daabacaan dhacdooyinkii midab-takoor ee soo mara.
Lubna Jaffery oo mar aheyd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Norway oo dhalsho ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan ayaa sheegtay in mara badan candhuuf lagu tufay sida Warsan oo kale.
Warsan ayaa sheegtay in Bulshada Norway ay tahay mid wanaagsan balse haatan loo baahan yahay in doodan la bilaabo si xal wara looga gaaro Midab takoorka.
“Waxaan dhawr jeer maqlay iyada oo codka daayeerada lagu dhawaaqayo ama la i weydiinayo dalka aan ka imi midabkeyga awgii”ayay qortay Warsan Ismaciil.
Dawlada Norway ayaa sheegtay in koro ku yimi dadka soogelootiga ah ee dalkaasi nolosha wanaagsan u soo doonta.
Intii ka danbeysay sanadii 1995tii ayaa 11% waxa koror ku yimi soogelootiga dalka Norway ku nool
Dadka dalkaas soogelootiga ku ah ee ugu badani waxa ay yihiin qaar u dhashay dalalka reer Yurub,khaasatan dalalka Poland,Sweden,Norway,Germany,sidoo kale waxa dalkaas ku nool qaxooti tiro badan oo ka kala yimi Soomaaliya,Ciraaq iyo Pakistaan.
SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com