|

Maxaad ka taqaan Magaalada Soomaalida nolosha ugu wanaagsani ku nooshahay ee Yurub ku taal?

Helsinki Nov 26,2013(SDN)- Warxin ay daabacday Open Society Foundation ayaa lagu shaaciyay baaritaan lagu sameeyay nolosha Soomaalida ku nool dhawr magaalo oo Yurub ku yaal iyo sida ay noloshooda ugu qanacsan yihiin.

Soomaalidan oo noloshooda lagu soo bandhigay hab farshaxana ayaa waxa lagu eegay sida ay noloshooda magaalooyinkaasi u saameeyeen.

Somalida ku nool magaalada Helsinki ee dalka Findland ayaa noqday kuwa ugu nolosha wanaagsan ka dib mashaariic ay magaaladaasi hirgelisay ay ka faaiideysteen.

Magaalooyinka Yurub ee Soomaalidu ku nool yihiin ee baaritaankan ka qeyb qaatay ayaa waxa ka mid ah Amsterdam, Copenhagen, Helsinki, Malmo, Leicester, London, iyo Oslo.

“Soogelootiga ayaa muhiim u ah magaalada Helsinki. magaaladuna waxa ay dooneysaa in ay tusaale u noqoto la dagaalanka midab takoorka,sidaa awgeed uma dulqaadaneyno in cidi takoorto Soomalaida iyo cid kale toona”sidaa waxa yiri Duqa magaalada Helsinki Jussi Pajunen.

Warbixintu waxa ay diirada saartay wax ay ugu yeertay shan qodob oo saameyay nolosha Soomaalida oo magaaladuna diirada saartay.

“Waxbarashada iyo Shaqaaleynta ayaa xudun u ah waxyaabaha Soomaalidu ay ku qanacsan yihiin ee Helsinki,sidoo kale dedaal weyn ayaa loo galay sidii Soomaalidu bulshada u dhexgelilaheyd,waxaana jira dhinacyada nolosha oo u baahan in la dardar geliyo”sidaa waxa tiri Nazia Xuseen oo ah maamulaha mashruuca Open Society Foundation.

Inkasta oo Soomaalidu ku yartahay Helsinki hadana imaanshahoodii sanadihii 1990kii waxa ay aheyd arin weyn.

Soomaalida ka qeyb qaadatay baaritaankan ayaa sheegay in ay caqabado kala kulmeen midab takoor iyo la qabsi la’aan bulshooyinka ay la nool yihiin,oo ay xitaa ka mid yihiin bulshooyinka Soomaalida qudheeda.

Soomaalida Findland ayaa nidaamka Waxbarashada dalkaasi ku sheegay mid gacan ka geysanaya sidii bulshooyinka ubadkoodu si wanaagsan uga faaiideystaan.

SDN-Helsinki
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed