Shir Sanadle ah oo uu xisbiga Wadani ku qabsaday Sweden ayaa lagu doortay hogaan cusub
Stockholm Nov 26,2013(SDN)-Waxa dalka Sweden lagu qabtay shirkii sanadlaha ahaa ee Xisbiga wadani ee dalkaasi.
War saxaafada loogu talo galay oo naga soo gaaray xisbiga wadani laantiisa Sweden ayaa sidan u dhignaa.
“Shirkii -Sanadlaha ahaa Ee Xisbiga Waddani Laantiisa Sweden, oo xalay qabsoomay ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka SLND,waxa sidoo kale ka soo qayb-galay Madaxda Xisbiga Ee Laanta UK+Filand+Norwey+Denmark+Germany,Waxa Madashan lagu maamuusay Gudoomiyihiin Hore Cawaale iyo ku Xigeenkiisii Maxamed Khadar Oo xilka wareejiyay,waxa sidoo kale lagu doortay Gudiyo-Cusub Kuwaas Oo loo doorrtay Gudoomiyaha Guud-Ee Sweden Baxnaan Xaaji Aadan,Xiddig Cabdi-yarre Oo loo doortay Gudoomiyaha Garabka dhalinyarad,Gudoomiyaha ku xigeen Cabdi Maxamuud Yuusuf,Maxamuud Abu-koodh Khasnaji+Cantar Kidaar Cunne Gudoomiyaha Saxaafada,Samsam Osman Gudoomiyaha Garabka Haweenka,Caydaruus Sh,Adan Xoog-haye