Ciidamada DJibouti Ee Ku Sugan Beledweyne Oo Hanjabaad Cusub Ka Helay Kooxda Al-shabaab
Beledweyne:26-Nov-2013(SDN)-Ciidamada Waddanka Jibouti ee Haatan ku sugan Gobolka Hiiraan, ayaa Hanjabaado Cusub ka Helay kooxda Al-shabaab oo dhawaan halkaas ka fulisay qarax xoog badan.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu markale uu hanjabaado u jeediyay Ciidamada Dowladda Jabuuti, ee ka tirsanka hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.
Afhayeenka hawlgalada Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in ay ka gaadheen ujeedadii ay ka lahaayeen, weeraradii ay ka geysanayeen Magaalada Baladweyne, taasoo uu ku sheegay in ay dibadda uga soo saareen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jabuuti.
Afhayeenka, ayaa sheegay in ay beegsan doonaan Ciidamada Jabuuti, kolba haddii ay dibadda uga soo baxayn Magaalada Baladweyne, isla-markaana wuxuu ku gooddiyay in ay jab xoogan gaadhsiin doonaan.
Wuxuu soo hadalqaaday weerarkii bishii October ee sanadkii 2011-kii ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ee ay ku laayeen Ciidamadii Dowladda Burundi, ee xilligaasi la dagaalamaayay.
Ciidanka Jibouti oo haatan Hanjabaadan si gaar ah loogu jeediyey, ayaa iyagu ku jira Taxadarkoodii ugu sarreeyey maadaama muddo haatan laga joogo Toddobaad Beledweyen loogu geystay weerar ay kaga Dhinteen tiro askar ahi.
S.D.N