Kismaayo Oo Xalay Qaab Arxan Darro Loogu Dilay Nabddoon Caan ahaa
Kismayo:26-Nov-2013(SDN)-Waxa Habeenkii Xalay Magaalada Boosaaso Si Xun Loogu Khaarajiyey Maxmed Nuur Cabdi Raxmaan oo kamid ahaa nabadoonada Kismaayo kuna jiray ergadii soo dhistay maamulkii Jubaland ee hada u xuubka siibtay maamulka KMG ee Jubba.
Dilka nabadoonka ayaa waxaa geystay rag ku hubeysan tuutaha ciidanka amaanka ee maamulka Jubba oo gaadhi Cabdi Bila ah ku socday kuwaas oo ugu galay xarun ganacsi oo uu magaalada ku lahaa nabadoonku sida uu xaqiijiyay nabadoon Cabdi Maxamuud Aadan oo isna Kismaayo ku sugan.
Cabdi Maxamuud Aadan oo aan si rasmi ah u sheegin cidda ka danbeysa dilka ayaa waxa uu u maleeyay in arintu ay la xidhiidho aano qabiil, maadaama waayihii danbe xurguf aad u xoog badan laga dareemayay deegaanka
Dilalka odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay Kismaayo ka ahaayeen kuwa caadi ah tan iyo markii maamulka Jubaland la dhisay, arintaas oo kamid ah caqabadaha ugu weyn ee haysta maamulka Axmed Madoobe xalna ay u la’yihiin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com