|

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Tiro Gaadiid ah Baahi weyn u qabeen Ka Helay Midowga Yurub

Berbera:26-Nov-2013(SDN)-Iyadoo ay ilaa Bilowgii bishan Midowga reer Yurub dhaqdhaqaaqyo badan ka wadeen Xeebaha somaliland, ayey Haatan Gawaadhi ugu deeqday Ciidanka ilaalada Xeebaha.

 

xeebta somMidowga Yurub ayaa gaadhsiiyay shan gaadiid ah kuwaasi oo loogu tala galay in lagu taageero waxqabadka ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, sida lagu sheegay war kasoo baxay midowga Yurub. Waxaana gaadiidkaasi laga soo qaaday dekada magaalada Jibouti iyadoo laga soo dajiyay dekedda Berbera.

 

Markii gaadiidkaasi laga dajiyay dekada magaalada Berbera waxaa lagu wareejiyay taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Cabdi Xersi Ducaale, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada Midowga Yurub.

 

Xidhiidhka wada shaqeyn ee dhexmaraya Somaliland iyo midowga Yurub ayaa ka dambeeyay markii 10 saraakiil sar sare ah oo ka mid ah ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ay ka qeyb galeen tababar ku saabsan ka hortaga dambiyada dhanka xeebaha ah oo ay siinayeen ciidamada Midowga Yurub.

 

Tababarkaasi ayaa waxaa la siiyay saraakiisha maamulka Somaliland intii u dhaxaysan 10 ilaa 13 kii Bishan November, waxaana diirada lagu saarayay dambiyada iyo maxkamadeyntooda, iyadoo ujeedada ay aheyd sidii ciidamadaasi ay kaga hortagi lahaayeen dambiyada ka dhaca xeebaha maamulkasi.

 

Jean-Eric Troubat, oo ah sarkaal boolis Faransiis ah ahna hogaamiyaha howlgalka loogu magacdaray EUCAP Nestor ayaa sheegay in tababarka uu ahaa mid ay ku guuleysteen ayna u mahad celinayaan dadkii ka qeyb galay.

 

Admiral Cabdi Xersi Ducaale, ayaa mahad celin u jeediyay ciidamada midowga Yurub, isagoo sheegay in tababarka iyo agabka la siiyay ay ka saacidi doonaan sidii ay kaga hortagi doonaan dambiyada ka dhacaya xeebaha maamulka Somaliland.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed