|

Xisbiga Kulmiye Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu Uga Gows Adaygay Qaar Ka Mid ah Soo Jeedimihii Saleebaa Gaal

Hargeysa:26-Nov-2013(SDN)-Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye ayaa Faahfaahiyey Sababta uu u Diiday Qaar ka mid ah qoddobadii uu dhawaan u soo jeediyey Guddoomiye Saleeba Gaal, si loo ilaaliyo wada jirka Xisbiga.

xasan siciidXoghayaha Guud ee Xisbigaasi Xasan Siciid Yuusuf oo maalintii shalay madaarka Hargeysa Ugu warramayey Warbaahinta, ayaa tilmaamay, in Qoddobka ku jirey soo jeedimahaas ee Odhanayey in Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa aan lagula tartamin musharaxnimada Xisbiga, islamarkaana Guddiyada Fulinta iyo golaha  dhexe ee xisbigu sidoodii ahaataa uu ka Hor imanayo Dimuqraaddiyadda.

 

“Horta Waxa jirta xeerarka Xisbiga iyo Xeer la yidhaahdo Xeer No. 14 ee ah doorashada Axsaabta into-ba waxa ay dhigayaan hogaanka Xisbiga oo ah guddoomiyaha iyo 4-ta guddoomiye Kuxigeeno iyo Xoghayaha guud intaba in lagu dooranayo Shirweynahaasi waxa kale ee ay dhigayaan in guddida fulinta ee Xisbigaasi in lagu dooranayo shirweynaha Xisbiga waxa kale oo sharcigu dhigayaa in golaha dhexe ee Xisbiga lagu dooranayo shirweynaha waana sida dimuqraadiga ah ee nidaamkeena dimuqraadiyada ahi dhigayso.Haddii aynu doorashada dimuqraadiga ah ka yar beydhno waxa aynu u muuqanaynaa sidii Axsaabtii shuuciga ahayd,hase-yeeshee wixii laga badin waayo ama tallo noqoto sharcigu quraan maaha oo wixii maslaxad loo arko waa laga wada tashanayaa oo arintaas (In aan Hogaanka Xisbiga Kulmiye Shirweynaha lagu tartamin) waa laga wada tashan doona oo dee sharcigu sidaas ayuu mar kasta dhigaya oo anagu mar kasta waxa aanu tixgelinaynaa sharciga, hase-yeeshe wixii mar kasta laga maarmi waydo maslaxadeena ta Xisbiga iyo  ta qarankuba waxaan filayaa in wax laga bedeli karo”. Ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.

Xoghayaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sidoo kale sheegay inuu xisbigu ku jiro Diyaar garowga Shirweynahaas oo haatan muddadiisii soo Dhawaatay, waxana uu yidhi, “Waxa aanu ku gudo jirnaa u diyaar garawgii shirweynaha Xisbiga KULMIYE in kasta oo Saxaafadu waxyaabo baddan ka qortay, haddana maaha wax guddoomiyihiisa iyo kuxigeenkiisa iyo Xoghayihiisa-toona ka soo baxday,rasmigu waxa weeyaan Xisbiga KULMIYE waxa uu ku jiraa u diyaar garowgii falanqayntii iyo diyaarintii iyo abaabulkii hawlahiisii Xisbiga isla fahankoodi meel wanaagsan ayey noo mareysa oo hore ayaanu u sheegnay oo waxaanu nidhi Xisbi hawlahiisa marka laga talinaayo waxa ay noqonaysaa mid aad u balaadhan oo Insha ALLAAHU soo noqodka guddoomiyaha marka aanu dhameystirno hawlo yar-yar oo noo qabyo ah Saxaafada iyo guud ahaan umadda dalka waxaanu u soo bandhigi doona dhameystirka iyo isku duba-ridka hawlaha oo dhameystiran”

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed