“Mashruucan waxaa ku baxaysa lacag dhan Afar Milyan oo Yuuroo,iyo Afar boqol oo Kun oo dollar” Wasiirka Xanaanada Xoolaha {DHAGAYSO}
Hargaysa 25.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo ka Hadlayay Madashaasi lagu daahfurayay Mashruuca ka faa’iidaysiga Caanaha Xoolaha ayaa Tilmaamay in Mashruucani yahay Mid ay Somaliland ka caawinayaan Ururka Midowga Yurub isla markaana ay ku baxayso aduun dhan Afar Milyan oo Yuro oo Midowga Yurub bixinayo iyo afar boqol oo kun oo dollar oo ay ku deeqday Hay’ada FOA.
Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu sheegay in Mashruucani uu noqonayo wejigii Kowaad kaas oo lagu daryeelayo sida uu xusay halka Caanuhu ka imanayaan,Nafaqaynta Xoolaha, hagaajinta Fayo dhawrka Guud ee Caanaha iyo wixii la hal maala,Wasiirku waxa uu intaas ku daray in hirgalinta Mashruucan ay si wada jir ah iskaga kaashan doonaan wasaarada Xanaanada Xoolaha ,Hay’ada FOA iyo dadka ka ganacsada Caanaha.
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Wasiirka Xoolaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirXoolecaano25.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com