|

Maamulka Madaarka Hargaysa oo dhan isaga duway dhaleecayn uu u jeediyay Jamaal Cali Xuseen kuna Sifeeyay inay Waayo aragnimo la’aani haysato {DHAGAYSO}

Hargaysa 25.Nov 2013 (SDN)- Maareyaha Madaarka Cigaal International Airport  ee Hargeysa ayaa Jawaab ka bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid Aqoonyahan  Jamaal Cali Xuseen Waxaanu xusay inay Waayo aragnimo la’aani haysto Musharaxa hab maamuuska ay Gudoomiyihiisa u sameeyeen, Waxa kale uu sheegay in Gudoomiyaha Ucid si fiican loo soo dhaweeyey Isla markaana ay u qorsheeyeen Qolka Martida Khaaska ah ee VIP-da.

maareeyaha madaarkaHadalka Maareeyaha ayaa ka danbeeyay kadib markii barxada hore ee garoonka diyaaradaha ay Warbaahinta kula hadleen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid iyadoo Gudoomiye Faysal uu ka Soo laabtay dalka Turkiga oo uu kaga qayb galay Shir caalami ah.

Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Maareeyaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MaareeyeMadaar25(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed