|

Wasiirka Duulista Oo Amar Ku Bixiyey In Saraakiisha Xisbiga Ucid iyo Saxaafadda Madaxa Bannaanba Laga Hor Istaago Soo Dhaweynta Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargeysa:25-Nov-2013(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa amar ku bixiyey inaan Madaarka loo Sii daynin HOggaanka Sare ee Xisbiga Ucid oo Doonayey inay Soo Dhaweeyaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo halkaas ka soo Degayey.

duulAmarkan  wasiirka ayaa waxa si Toos ah u fuliyey Ciidanka Ilaalada Madaarka oo Goor Horeba Bilaabay inay Garoonka Ka Celiyaan cid kasta oo ku Abtirsatay Xisbiga Ucid ama laga Dareemo inay u socoto Soo Dhaweynta Guddoomiyaha oo ay Saxaafadda Madaxa Bannaani kaw ka tahay.

Gawaadhida ay wateen Hoggaanka Xisbigaasi oo  uu ugu horreeyo Baaburka uu wata Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen  ayaa looga dhaartay inuu Garoonka Foodda Geliyo, waxana loo sheegay kaliya in loo Oggol yahay inuu lug ku geli karo Garoonka.

Jamaal Cali xuseen iyo Saraakiishi kale ee la socotay ayaa Lug ku galay Garoonka, iyadoo dhammaan gaadiidkoodiina Dibadda laga dhigay oo loo Diiday inay Garoonka la Galaan.

Saxaafadda Madaxa Bannaan oo iyadu aroortii horeba u jarmaadday arrinta Guddoomiyaha ayaan iyadu dhaafin Dibadda Garoonka, waxana Tacacaddiyo ay kala kulantay Askarta wajahada Garoonka Joogtay oo u diidday inay wax Sawirro ah ka qaataan hab dhaqankii ay halkaaas ka wadeen.

Dadka arrimaha kale ee Caadiga ah u socday amaba kuwa la garanayo inaanay xisbiga Ucid shaqo ku lahayn ayaa iyagu si caadi ah u galayey Garoonka, mana jirin  cid u diidaysay inay Gaadiidkooda la Galaan Garoonka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isagu lug kaga soo Baxay Garoonka, waxana uu Gaadhigiisii ka soo Raaacay Dibbadda Garoonka oo ahayd halkii Gaadiidka laga Dhigay markii hore ee ay sii Galayeen.

 

 

Musharaxa Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa isagu saxaafadda kula Hadlay Dibadda Garoonka, waxana uu tallaabooyinka Noocan oo kale ah ku tilmaamay kuwo gardarro iyo Daandaansi ah oo  looga Gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo Xasiloonida iyo Degenaanshasha waddanka.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed