Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 25.Nov 2013 (SDN)- Xubno wasiiro ah ayaa ka qeyb galay xaflad loo sameeyay maalinta caalamiga ah ee joojinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka taas oo lag qabtay hoolka hayada shaqaalaha ee magaalada hargaysa.
Xafladan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada waxa ugu horeyn ka hadlay wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Md Maxamud Mxmed Barre [ garaad] oo ka waramay tacdiyada loo gaysto haweenka in ay yihiin qaar kasoo hor jeeda diinta islaamka iyo dhaqanka iyo huruucda dalka u taala, waxaanu intaa ku daray in dalka uu ka bilaabmay olale ka dhan ah tacdiyada lagula kaco haweenka kaas oo socon doona mudo lix iyo toban cisho ah, wasiirku waxa uu intaa raaciyay in ay wasaarad ahaan baaq u dirayaan bulshada somaliland in laga dheeraado tacdiyada loo gaysto haweenka inkastoo dalkeena aanay ku badnayn wsasiirku waxa uu sheegay mar uu ka hadlaayay daraasado ay ku sameeyeen tacadiyada loo gaysto haweenka ee dalkeena in ay ka heleen cisbitaalada dalka 221 kiis oo ah kufsi lagula kacay haween kaas oo ah dhaqan aad u xun islamrkaa loo baahan yahay in la baabiiyo, maadaama dastuurkeenu sheegayo in la ilaaliyo xuquuqda muwaadinka.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Mawliid Cismaan Cabdilaahi oo ah sarkaal ka socday hayada UNFPA kaas oo ka waramay dhibaatooyinka ay keenaan gafafka loo gaysto haweenka islamrkaa ay yihiin meel ka dhac loo gaysanayo xuquuqda ay haweenku asaasi ahaan u leeyihiin kuwaasoo ku keena haweenka dhibanayaasha ah xaalado caafimaad daro isagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin in somaliland ay kala shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka.
Wasiirada diinta iyo awqaafta iyo dhalinayarada ciyaaraha iyo dalxiiska oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka ay ku keenaan haweenka tacdiyada loo gaysto waxanay bulshada u soo jeediyeen in ay joojiso gafafkaas lagula kacyo haweenka maadaama diinteenu ay si weyn u karaamaysay xuquuqda haweenka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com