Rajada Ra’isal Wasaare Saacid Oo Kor u Kacday Iyo Tiro Xildhibaanno Oo Hore Loo Sheegay Inay Ka Soo Horjeedaan Oo La Waayey
Muqdisho:25-Nov-2013 (SDN)-iyadoo ay kala jiidashada Golaha Baarlamaanka ku dhex Maraysa Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal wasaare Saacid meel sare marayso, ayaa Haatan la Arkaa Saacid oo hantiyaya Tiro badan oo aan markii hore la filaynin.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo warbaahintu ka helayso Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, ayaa sheegaya inaanay 168-ka Xildhibaan ee la sheegay inay saxeexeen Mooshinka isaga lagaga soo jorjeedo.
Xafiiska Saacid ayaa sheegay in 168 ay tahay un kaliya tiro, balse aan la hayn illaa iyo hadda 168 magac, oo saxeexday mooshinka, sida shalay ku cadaatay kullankii baarlamanak Somalia.
Xog-hayayaasha Saacid, ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan xildhibaano badan oo hore loo maleeyey inay u taageersanaayeen Xasan Sheekh, balse iminka dhinaca Saacid soo xigsaday.
Tagaeerayaasha Saacid, ayaa iminka ku doodaya inay doonayaan inay arkaan magacyada rasmiga ah ee saxeexay mooshinka, oo aanay ku qanceyn oo kaliya tiro.
Dhinaca kale xafiiska madaxweynaha ayaa aaminsan inay xittaa haddii tirada aanay dhameyn 168, loo baahan yahay oo kaliya 139 si mooshinka u hir-galo, taasina ay aad ugu kalsoon yihiin inay heystaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com