|

Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Kenya Deggen Oo $42 kun Ugu Deeqday Dadka Daadadku Aafeeyeen

Nairobi:13-Nov-2013(SDN)-Xaaladda Muruga ah ee ay ku Noolyihiin Boqolaal Soomaali ah oo ay Waxyeelo u geysteen Daadadkii Dhawaan Halakeeyey, ayaa keenay in Soomaalida Meelaha Waddanka  ka Baxsan Deggeni ay Fadhiga uga Kacaan iskuna Xilqaamaan sidii ay u caawin lahaayeen.

jaaliyadJaaliyadda Soomaalida ee Nairobi, gacansatada Soomaalida Kenya iyo culimada ayaa $42,114 oo doollarka Maraykanka ah ugu deeqay dadkan Dhibaataysan  ee Duufaantu Waxyeelaysay gaar ahaan kuwa ku Xool Xeebaha Puntland iyo waliba kuwa Haatan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

 

Kulan ay isugu yimaadeen ganacsato, culimo iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo ku nool Nairobi ayaa deeqda loogaga dhawaaqay, iyadoo Halkaas lagu shaaciyey lacag badan oo dadkan lagu caawin doono.

 

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Eastleigh, Xaaji Xasan Guuleed oo ka mid ah dadkii soo qaban-qaabiyay kulanka ayaa sheegay in lacagaha ay uruuriyeen ay tahay mid horudhac, isla markaana ay sii wadi doonaan kulamada nuucaan ah, iyadoo Sheekha Caanka ah ee Sheekh Umul  uu isaguna ku dhiirrigeliyey inay fadhiga uga kacaan dadka Tabaalaysan ee haatan dhibtu taabatay.

 

 S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed