|

Maamulka Dawladda Hoose Ee Burco Oo Musuqmaasuqay Waddo Magaalada Laga Dhex Samaynayo iyo Ceebaha Dul Hoganaya

Burco:25-Nov-2013(SDN)-Maamulka Dawaldda Hoose ee Magaalada Burco ayaa Fadeexad Musuqmaasuq lugaha la Galay, kadib markii uu Dhawaan Ku Simaha Maayarka Burco Muxumed Jaamac Xoday iyo qaar kamida xildhibaanda golaha deegaanku ay Xadhiga ka jireen wadddo qabyo ah oo aan Wali Dhammaanin, isla Markaana  Bulshada u sheegeen inay Waddadaasi Dhamaatay.

DFadeexadan iyo Musuq maasuqan Dul Hoganaaya Gudoomiye ku xigeenka Degmada Burco iyo Waliba Xogyaha Fulinta Degmada Burco oo ay weheliyaan qaar kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco ayaa noqonaysa mid lagaga been abuurtay qorshaha dhamaystirka Wadada isku xidha Laamiyada Galbeedka iyo Bariga.

Marka la eego dhaqaalihii ay ku dhawaaqeen inay maamulku waddadan geliyeen iyo Sida ay haatan tahay, ayaa waxa muuqata in Dhaqaalihii loo qorsheeyey waddadaasi uu ku dhacay gacan kale, isla-markaana la Tahli waayey in waddada la dhammeeyo.

Waxa ay ugu yeedheen Furitaanka Wadada cusub islamarkaan ay isku soo hortaageen qaar kamida Warbaahinta Dalka ayuu ku sheegay Maayir ku xigeenku inay wadadu tahay mid casriya ayna maanta xadhiga ka jarayaan Wadadan cusub oo ay dhamaystireen iyadoo uu hadalka ku wehelinaayey Xoghayaha Dawlada hoose ee burco iyo waliba qaar kamida Xildhibaanda Degmada burco kuwaasi oo dhamaantoodba ka dhawaajiyey inay xadhiga ka jarayaan Wadadaasi cusub, maal gelinta Wadadan ayey sheegeen inay fulinayso Hay;adda USAID, Hadaba su,aasha ay Bulshada reer burco is weyndiinayso ayaa ah halka ay ku taal wada cusub ee xadhiga laga jaray, maadaama Waddadani wali tahay mid qabyo ah oo xashiish iyo waxyaabo bilicdarro ahi buuxdhaafiyeen.

 S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed