Xisbiga Kulmiye oo Mar kale Cadho ku kala dhaqaaqay Jawaabihii Warfidiyeenada ee Gudoomiye Muuse Biixi {DHAGAYSO}
Hargaysa 24.Nov 2013 (SDN)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenka xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed oo ahaa labada rafiiq ee isugu soo hadhay Xisbiga Kulmiye ayaa waxa soo kala dhex galay khilaafkii ugu cuslaa kadib markii Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo talada Xisbigaasi gacanta ku hayaa uu dhex dhigay garabyada Xisbigaasi go’aan ka Maxamed Kaahin raali geliyay balse Muuse biixi ka daadegi waayay .
Xurgufta Siyaasadeed eek a dhex bilaabantay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo ah labadii rafiiq ee isugu danbeeyey muhaaidiinta ayaa saaka markale sababtay in ay si toos ah isaga horyimaadaan kadib markii uu Muuse Biixi holaday war-saxaafadeed ku lidi ah go’aankii xalay Saleebaan Gaal u dhiibay, hase yeeshee koox Maxamed Kaahin hormood u ahaa ayaa ka hor istaagtay talaabadaasi waxaanay sababtay in ay markale cadho ku kala tagaan.
Guji halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato Jawaabihii Muuse Biixi
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/muusekulmiye24.mp3″]