|

Maxay ka Wada Hadleen Wasiirka Caafimaadka iyo Safiirka Turkiga ee Somalia oo Hargaysa ku Sugan

Hargaysa 24.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaarada Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka turkiga u fadhiya somalinad iyo somaliya mr kaamlu diin Kanu Tuhran oo booqasho Shaqo ku Jooga Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

safi&xagloWaxaana kulankaasi albaabadu u xidhnaayeen ka dib safiirku waxa uu kormeer kusoo maray qeybaha kala duwan ee cisbitaalka waxaanay kormeerka ka dib safiirka iyo wasiirku si wada jir ay warbaahinta kula hadleen halkaasi iyadoo  uu safiirka turkiga u fadhiya somaliland iyo somaliya oo ugu horyn halkaasi ka hadlay uu sheegay  in cisbitaalka guud ee caasimada in caawimo qalab iyo dawooyin leh ay soo gaadhsiin doonaan waxaanu intaa ku daray in dawlada turkigu ay dhinacyo badan ka caawin doonto somaliland

Wasiirka wasaarada caafimaadk dr saleebaaan ciise axmed  [xaglo toosiye] oo isana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu umahad celinayao safiirka booqashada uu ku yimi cisbitaalka iyo guud ahaan wasaarada caafimaadka waxaanu intaa ku daray in dawlada turkiga uu ku bogaadinayo sida ay u dananayso somalland iyo caawimooyinka ay ka gaysanayso mashaariicada arimaha bulashada waxa wasiirku intaa ku daray in dawlada turkigu ay taariikh qadiim ah ku leedahay somaliland marka dib loogu noqdo xiligii dawladiii cismaaniyiinta oo mashariic ilaa hada la intifaacsado ay ka samaysay dalka sida dhismaha masjidka  cidsmaanityiita ee berbera iyo biyaha dubaar.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed