|

Wasiirka Khayraadka Biyaha oo Hargaysa ka Furay Kulan lagu naaqishayo Xeerka Biyaha Qaranka

Hargaysa 24.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Biyaha ee JSL Md Xuseen Axmed Cabdallah ayaa Maanta furay  Shir hawleed ku saabsan sida loogu shaqayn lahaa  xeerka Biyaha Qaranka oo ay hore golyaaasha Qaranku u ansixiyeen Madaxweynaha Somaliland-na dhaqangeliyey..

wasiirka biyaha okShirkan oo ku qabsoomaya Hotel maansoor ee Magaalada Hargeysa  ayaa waxaa ka qayb qaadanaya maareeyayaasha Wakaaladaha Biyaha ee Dalka iyo isu duwayaasha wasaaradda Kheyraadka Biyaha ee Gobolada Dalka,

Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka Beeraha Md Aadan Ibraahin iyo khubaro ku takhasusay dhanka Biyaha ayaa  furitaankiisii waxaa ka hadlay  Wasiirka wasaaradda Biyaha Md Xuseen Axmed Cabdallah oo sheegay in kulanka maanta lagu lafo gurayo laguna daah qaadayo isticmaalka xeerka lagu dhaqayo Biyaha Qaranka oo ah hadiyadii ugu qiimaha badnayd ee ka mid ah waxyaabaha lagama maarmaanka u  ah  nolosha aadamaha ee uu ilaahay ina siiyey

Wasiirka Wasaaradda Biyuhu waxa uu sheegay in xeerku xambaarsan yahay sidii aynu biyaheena u maamuli lahayn, uga faa’iidaysan lahayn una dhaqaalaysan lahayn, halka sidoo kalena uu wasiirku xusay in wasaaradiisu diiradda sarayso sidii loo qaban lahaa ee loo xakamayn lahaa biyaha rogmaya dooxyada ee badda ku darsamaya iyagoo sita cammuuddii macdanaysnayd ee wax ka soo bixi lahaayeen.

Wasiir ku xigeenka Beeraha Md Aadan Ibraahin oo isna kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in biyaha oo ah aasaaska nolosha aadamaha ay lama huraan tahay in shacab iyo dawladba laga wada shaqeeyo sidii loo xafidi lahaa.

Maareeyahay Wakaalada Biyaha Hargeya Ibraahin siyaad  Ayaa Soo dhaweeyay Xeerka Biyaha waxaanu hidhi “anagu ka wakaalad ahaan aad baanu usoo dhawaynaynaa waxaananu rajaynaynaa inaanu noqono kuwa ugu horeeya ee dabaqa, aadbaanan wasaarada ugu mahad naqayaa, waxaanan rajaynahaa inayna intaa kaga hadhine ay sii wado oo ay meel walba gaadhsiiso” ayuu yidhi Maareeyahu

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyahay Hay’ada ka hortaga Masiibooyinka ee NARAD Cali Muuse Cawaale oo soo dhaweeyey Xeerkaasi, Waxa kale oo isna halkaasi Hadalo kooban ka Jeediyey Masuul sare oo ka socday Hay’ada UNICEF oo dhinaca Dhaqaalaha ka saaciday waxaanu sheegay inay gacan wayn ka gaysataan maamulka iyo ilaalinta khayraadka biyaha waxaanu tilmaamay inay Hay’adu sii wado doonto la shaqaynta Wasaarada Biyaha.

Dhan kale waxa isna hadalo kooban ka soo jeediyey Munaasibaasi Wasiirku xigeenka Wawaarada Beeraha Aaden Ibraahin oo aad u soo dhaweeyay Xeerkaasi tilmaamayna inuu Xidhiidhka ka dhexeeya Labada Wasaasaradood aad igu  dhawyahay, kaasi oo uu sheegay inay biyaha u meeleeyaan sidii ay dhirta uga faa’iidayn lahaayeen.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed