Lix ka Mid ah Dawladaha Caalamka iyo Iran Oo Heshiis Ramsi ah Gaadhay Geneva
Brugseles:24-Nov-2013(SDN)-Sida ay sheegeen Wasiirada arimaha dibada ee Dalalkii ka qeyb galayay shirkii ka dhacay magaalada Geneva waxa Dawladda Iran lala Gaadhay Heshiis ku saabsan Arrinta Nuclear-k.
Ma jirto faahfaahino dheeraad ah oo laga sii daayay hishiiska iyo waxuu ku saabsanaa, kaasi oo la gaadhay kadib shan maalin oo wadahadalo ay ka socdeen magaalada Geneva.
Madaxda wadahadlaysay oo ka kala socotay dalalka UK, US, Russia, China, France iyo Germany ayaa doonayay in dowlada Iran ay joojiso bacriminta hubkeeda Nuclear-ka si cunuqabateynta looga qaado.
Dowlada Iran ayaa kasoo horjeesatay ku celinta sheegashada reer galbeedka ee ku aadan inay raadinayso horumarinta hubkeeda Nuclear-ka, inkastoo dowlada reer galbeedka ay sheegayaan in Iran ay kordhinayso hubkeeda.
“Waxaan gaadhnay Hishiis”sidaasi waxaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoran wasiirka arimaha dibada Iran Maxamed Javad Zarif.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Faransa Laurent Fabius, ayaa xaqiijiyay hishiiskaasi, laakiin faahfaahin isna kama uusan bixin wuxuu ahaa hishiiska.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com